Mashaariic Dib Dejin Loogu Samaynayo Dadkii Ku Dhibaatoobay Duufaantii Sagar

0
815

Boorama (Hargeisa Press.com): Badhasaabka gobolka Awdal Cabdiraxmaan Axmed Cali, ayaa sheegay in dib u xoolayn loo samaynayo dadkii ay waxyeeladu ka soo gaadhay duufaantii Sagar ee ku dhufatay xeebaha gobolkaasi.

Cabdiraxmaan Axmed Cali, ayaa tilmaamay in ay diyaariyeen mashaariic lagu taakulaynayo dadkii ay waxyeelaysay duufaantii Sagar ee horaantii sanadkan ku dhufatay xeebaha gobolka Awdal, barnaamijyadaasi oo ay ka mid yihiin Kalluumaysiga iyo beeraha.

Badhasaabka Awdal   waxaa uu sidan ka sheegay hadal uu ka jeediyay kulan uu maanta  xafiiskiisa  kula yeeshay  isu-duweyaasha gobolka, maayarka Boorama   iyo madaxda saddex hay’addood.

Waxaanu  yidhi “Waxaanu isla garanay sidii dib loogu bilaabi lahaa qodobadda ay ka midka yihiin in  dadkii xeebaha ku barakacay  loo sameeyo mashaariic dhanka Kalluumaysiga ah, si ay nolosha qoysaskooda ugu tiiriyaan Kalluumaysiga.

Kale in  beeraha dib u habayn loogu sameeyo,  haddii ay noqoto dhanka dagalagga, mishiinadda, carro- guurkii beeraha kaga dhacay iyo in dib u xoolayn loo sameeyo dadkii ku xoollo   beelay duufaantii Sagar”.

Waxa kaloo uu  ka warbixiyay guddoomiyaha Awdal waxyaabaha la taaban karo  ee ilaa hadda loo qabtay dadkii ay dhibaatadu ka soo gaadhay duufaantii Sagar.

“Waxyaabaha dadkaasi loo qabtay na waxaa ugu weyn  dib u habayn iyo dayactir loogu sameeyay iskuuladdii, meelihii biyaha ay ka cabayeen, goobihii caafimaadka iyo meello kale” ayuu Cabdiraxmaan Axmed Cali.

Dhanka kale  Cabdiraxmaan Axmed Cali,  waxaa uu faahfaahin ka bixiyay  u jeedadda shirka uu la yeeshay isuduweyaasha gobolka iyo maamulka degmadda, isu-duweyaasha iyo masuuliyiinta hay’adahaasi.

Isagoo arrimahaas ka hadlayayna   waxa uu  yidhi “Shirka aanu halkan ku qabanay oo ay goob joog ka ahaayeen isu-duweyaasha gobolka, maayarka magaaladda Boorama iyo madaxda saddex hay’addood oo kala duwani,  waxa uu noogu soo dhammaaday guul.

Waxaanu  ka wada hadalay na waxa ugu weynaa dib u bilaabista mashruucii ka soo kabashada  abaarihi iyo dhibaatadii ay ka tagtay duufaantii Sagar.

Ilaa  mudadaasina waxaa la waday waxay ahayd dhiig joojin, laakiin waxaa la sameeyay aanay ahayn ka soo kabasho, ee ay ahayd sidii dadkii duufaantu waxyeeshay wax loo gaadhsiin lahaa”.

 

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here