Madaxweyne Siilaanyo Oo Hay’adaha Horumarinta U Qaabilsan Imaaraadka Kala Wada Hadlay Mashaariic Waaweyn Oo Laga Fulinayo Somaliland

0
1116
MADAXWEYNE SIILAANYO OO HAY’ADAHA HORUMARINTA U QAABILSAN IMAARAADKA KALA WADA HADLAY MASHAARIIC WAAWEYN OO LAGA FULINAYO SOMALILAND+CUSBITAALKA BURJEEL EE MAGAALADA ABU DHABI OO KU GUULAYSTAY QALLIIN FUDUD OO MADAXWEYNAHA SOMALILAND LAGAGA JARAY QABSIN

Cusbitaalka Burjeel ee magaalada Abu Dhabi oo ku guulaystay qalliin fudud oo madaxweynaha Somaliland lagaga jaray qabsin Abu-Dhabi-(hargeisapress)  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), oo booqasho ku jooga waddanka Imaaraadka carabta, ayaa maanta  la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Hay’adda Abu Dhabi Fund oo horumarinta u qaabilsan imaarada Abu Dhabi Mr. Saciid Al-dahri iyo saraakiil kale oo ka tirsan Hay’adaas oo ay ka wadahadleen mashaariic kala duwan oo hay’addu ka fulin doonto Somaliland.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo masuuliyiinta Hay’adda Abu Dhabi Fund, waxay wadajir u falanqeeyeen dhismaha jidka isku xidha Berbera iyo Wajaalle ee xidhiidhiya dalalka Somaliland iyo Itoobiya, waxaanay isku afgarteen in farsamo-yaqaanno sarsare oo ka socda hay’adaasi ay tagaan Somaliland bisha September ee fooda innagu soo haysa, si ay iskugu soo dubo-ridaan daraasad lagu qiimaynayo kharashaadka ku baxaya jidkaas. Waxaannu la qorsheeyay qiimaynta kadib la bilaabo dhismaha waddadan istaraatajiga ah.

Waxa kaloo madaxweynaha Somaliland iyo masuuliyiinta Abu Dhabi Fund, si qoto-dheer u wada gorfeeyeen in hay’addu ay Somaliland ka fuliso mashaariic iskugu jira dhinacyada kalluumaysiga iyo ka manaafacaadsiga xoolaha oo ay bulshadu ka heli doonto shaqo abuur iyo dhaqaaleba.

Geesta kalena Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa xalay la kulmay Agaasimaha Guud ee Hay’adda samafalka caalamiga ah Khalifa Bin Zayed Al Nahyan Foundation, Mohammed Hajji Al Khouri iyo masuuliyiin kale oo ay iska xogwaraysteen dhammaystirka mashaariic ku wajahan adeegyada ijtimaaciga ah oo Ha’yaddu ka hirgelinayso Somaliland.

Agaasimaha guud ee Khalifa Bin Zayed Al Nahyan Foundation, Mohammed Hajji Al Khouri, ayaa sheegay inay Somaliland ka samaynayaan dhaam wayn oo ay hadda heleen kharashkii lagu dhisi lahaa. Waxa kaloo uu intaas ku daray in tiro ceelal biyood ah ay ka qodayaan dhawaan gobollada Somaliland.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo, ayaa uga mahadceliyay Hay’adda Khalifa Foundation, taageerada ay la garab taagan tahay shacabka iyo dawladda Somaliland gaar ahaan xilliyadii abaartu ka jirtay iyo mashaariic horumarineed oo ay ka wado dalka.

Labada kulanba, waxaa madaxweynaha ku wehelinayey danjiraha Somaliland u fadhiya Imaaraadka carabta, Baashe Cawil Xaaji Cumar, Xoghayaha gaarka ah ee madaxweynaha, Cali Axmed Cali iyo Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) oo ka tirsan Golaha Wakiillada.

Sida uu ku soo waramay Guddoomiyaha Dawan Media Group, Maxamed Cismaan Mirre (Sayid) oo ku sugan magaalada Abu Dhabi, ayaa sheegay in dhakhaatiirta cusbitaalka Burjeel ee magaalada Abu Dhabi ay ku guulaysteen qalliin fudud oo maalintii Sabtidii madaxweynaha Somaliland lagaga jaray qabsin, kaasi oo loo adeegsaday Laysar.

Guddoomiye Sayid, waxa uu intaas ku daray in Madaxweynuhu muddo 12 saacadood ah kaga soo baxay cusbitaalka oo xaaladiisa caafimaad aad u wanaagsan tahay isla markaana uu ku booqday hudheelka uu degan yahay ee magaalada Abu Dhabi.

Wargeyska Dawan ayaa loo xaqiijiyay in madaxweynuhu muddo dhawr maalmood ah oo kale sii joogi doono waddanka Imaaraadka, waxa lagu wadaa inuu weftiga madaxweynaha ay ku soo biiraan wefti uu hoggaaminayo Guddoomiyaha ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbal-xaakimka KULMIYE, Md. Muuse Biixi Cabdi, oo ay si wadajir ah ula kulmi doonaan madaxda sarsare ee dawladda imaaraadka carabta.

Source Wargeyska Dawan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here