Madaxweyne Muuse Biixi oo Caddeeyey in Soomaaliya ay Qiyaas Dhan 70km Gudaha Ugu Jirto Xadka Somaliland

0
1565
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi

Hargeysa , (HargeisaPress) —Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa caddeeyey in dawladda aan iskeed isku maamulin ee Soomaaliya ay sifo aan sharci ahayn gudaha ugu jirto xadka dalka Somaliland qiyaas dhan 70km.

Sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland, Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo kulan la qaatay wefti ka socda Urur-goboleedka IGAD shalay, waxa uu u iftiimiyey in degaanka Tuko-raq ee ay ciidanka qaranku joogaan yahay dhul Somaliland, sidaa darteedna aanay jirin xad dal kale kale leeyahay oo ay Somaliland doonayso inay dhaafto, balse waxa uu caddeeyey in Soomaaliya ay hadda joogto dhul dhan ilaa 70km oo gudaha xadka Somaliland ah.

“Waxa kulankaas diiradda lagu saaray arrimaha nabadgelyada mandaqadda Geeska Afrika, gaar ahaan waxa si qoto-dheer looga wadahadlay arrinta Tuka-raq oo uu madaxweynuhu weftiga u caddeeyey in Somaliland aanay marnaba duulimaad ku ahayn dal kale, haddii ay cidi joogto dhul aanay lahayna ay Soomaaliya ku jirto 70-km oo Somaliland leedahay.

Waxa kale oo kulankaasi lagaga wadahadlay in IGAD taageerto mashaariicda horumarineed ee dalka ka socda, khaasatan hirgelinta qorshaha labaad ee qaranka ee shanta sanno ee soo socda, iyada oo laga wadahadlay sidoo kale wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya ee la filayo in ay dib u furmaan dhawaan,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka.

Kulanka Madaxweyne Muuse Biixi la yeeshay weftiga  ka socda Urur-goboleedka IGAD, oo uu hoggaaminayey Ergeyga gaarka ah ee Ururkaasi u qaabilsan arrimaha Somaliland iyo Soomaaliya,  Ambassador Mohamed Ali Guyo, oo uu wehelinayey Cabdulkarim Maxamed oo ah La-taliyaha arrimaha siyaasadda ee Ururka IGAD, waxa kaloo lagaga hadlay arrimo kala duwan, iyadoo uu Madaxweynuhu uga xog-warramay xaaladda guud ee dalka Somaliland, sidoo kale waxa uu warbixin ka siiyey horumarka ay Somaliland ku tallaabsatay muddadii ay jirtay, taasi oo ku timid wada-jirka iyo iskaashiga wada shaqayneed ee shacbiga iyo xukuumadihii kala dambeeyey  ee Somaliland ka soo taliyey, taasi oo sababtay in indhaha caalamku ku soo jeestaan Jamhuuriyadda Somaliland.

Weftiga ka socday Urur-goboleedka IGAD, ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland uga mahadnaqay sida qiimaha leh ee uu u qaabilay, una soo dhaweeyey, waxaanay Somaliland ku ammaaneen horumarka ay xukuumad ahaan iyo shacabba gaadheen, iyaga oo dhinacoodana ballanqaaday in aanay Somaliland waxba ka hagranayn, tixgelin gaar ahna siinayaan waxyaabaha ay madaxweynaha ka wadahadleen.

Madaxweynaha waxa kulankaa ku wehelinaayey madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), Wasiirka Arrimaha Dibadda Dr. Sacad Cali Shire, Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Itoobiya Ambassador Cali Xuseen Ismaaciil (Cali-shoombe) iyo wakiilka Somaliland u qaabilsan Midowga Afrika, Amb. Aadan Muuse Jibriil,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland Md. Maxamuud Warsame Jaamac

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here