Madaxweyne Muuse Badhasaab Ramaax Ma wuxuu Ku Qoonsaday Hadal Cadaanta Mise,Waxqabad La,aanta FAALLO

0
1571
Ex Badhasaab Ramax Waxa Uu Caan-baxay Xukuumadii Madaxweyne Siilaanyo Wuxuu Kamid Ahaa Masuuliyiintii Aanu Diidi Jirin Qalinka Madaxweyne Axmed Siilaanyo Inkasta Oo Aan La Ogayn Sababta Keentay Inuu Badhasaab Ka Noqdo Gobolada Dalka Badidooda,Hadana Waxa Jira Sifooyin Badan Oo Ramaax Caado U Lahaa Haday Xumaan Tahay Iyo Haday Wanaag Tahayba Kuwaas Oo Aynu Kasoo Xuli Doono Khudbadihii Uu Jeediyey Xil Wareejintiisa Iyo Qaar Kalaba
 
1 Gobolka Togdheer,
 
Gudoomiye Maxamuud Cali Saleebaan,Khudbadii Uu Jeediyey Maalintii U Xilka U Tirinaayey Badhasaabka Gobolka Togdheer Xamse Maxamed Cabdi,Waxay Ku Salaysanay,Sadex Qodob,Cabasho,Iclaamin Iyo Talooyin Dhaxal Gala,
 
-Waxa Uu Sheegay Inaanu Gobolka Wax Horumari Kajirin Sababo Badan Awgood,Isaga Oo Tiriyey Ila Toban Mashruuc Oo Mid Qudhi Ka Hirgalay Halka Kuwii Kale Hakad La Geliyey,Maadama Oo Laba Xukuumadood Xilka Lakala Wareegayaan,Balse Uu Daba Galo,Mashaariicdaasi,
-Wuxuu Badka Soo Dhibay Cabashooyin Tix Iyo Tiraaba Ku Tilmaamay,Kuwaas Oo Kala Daarana Mid Badhasaabkii Ka Horeeyey Ah,Mr Qabo,Iyo Maayir Muraad,Badhasaab Ramaax Wuxuu Sheegay In EX Wasiir Qabo Been U Sheegay Wakhtigii Uu Xilka Kala Wareegaayey,Waxaana Hadaladiisa Ka Mid Aha,Gudoomiye Been Kuu Sheegi Maayo Sidii Badhasaabkii Iga Horeeyey Beenta Iigu Sheegay,
 
Cabashada Labaad Waxay Daaranayd,Maayir Muraad Oo Uu Laba Gabay Usoo Qaatay,
 
Cartan Dhuurta Kooraha Markuu Kor Ugu Laalaayey
Garaad Faarax Dhay Iyo Karuur Kala Macaana
Misna Kala Qadhaadha Kulankii Dhoobeed
Ragaw Kibirka Waa Lagu Kufaa Ka Hala Ogaado
 
Gabayga Labaad Wuxuu Ahaa
 
Rag Waxaan Ku Maamuli Aqaan Amase Ku Maamuusin
Maso Inaanu Nahay Oo Tolnimana Meerto Noo Tahay
 
Sidoo Kale Badhasaab Ramaax Wuxuu Si Qoto Dheer Uga Waramay Xeerka Maamulka Gobolada Iyo Degmooyinka Oo Uu Muujiyey Aqoonta Uu Sharciyada U Leeyahay,Waxaanu Sidoo Kale Sheegay In Badhasaabada Lasoo Faro Geliyo Shaqadooda,
 
Gebilay Iyo Khudbadiisa,
 
Badhasaab Ramaax Wuxuu Gebilay Xafladii Xilwareejinta Ka Jeediyey Khudbad Dhinacyo Badan Taabanaya,Waxay U Badnaayeey,Amar Ku Taag,layn,Sharciga Oo La Baalmaray,Iyo Sidii Kale Faro Gelin Waxaa Intaa Dheera Oo Khudbadiisa Laga Dhadhansanaayey Inuu Isagu Biyo Shubtay,Mucaarad Xoogan
 
Hadalada Badhasaabku Nuxurkoodu Wuxuu Iskugu Biyo Shubanaayey Inay Jirto Rag ku Shaqaynaaya Falal Baal Marsan Sharciyada Dalka,Isla Markaana Madaxweynuhu U Maqlay Ugu Danbayntiina Ay Galaafatay Xilkiisa,Waxaanu Madaxweynaha Kusabootiyey Gabayo Muujinaaya Inaanu Sharciyadu Ku Ololaynaayey Dhaqan Gelin,Ee Dub Isugu Noqdo,Waxaanu Ku Hanjabay Inuu Berbera Shir Jaraa,id Ku Qabsan Doono Isla Markaana Go,aamin Doono Masayrkiisa Siyaasadeed,
 
Laascanood
 
Inkasta Oo Gobolkaasi Aanu Ka Jeedin Hadal Badan Balse Wuxuu Taabtay Ubucda Hadalkiisa,Wuxuu Sheegay In Gobolka Horumarkiisa Loo Heelan Yahay,Balse Gobolkaasi Isagu Caqabad Isugu Filan Yahay,Wuxuu Madaxweynaha Somaliland Talo Ahaan Ugu Soo Jeediyey Inuu Gobolkaasi Loo Dhiibo Masuul Kasoo Jeeda Beelaha Degan Gobolkaasi,Ugu Danbayntiina Taladii Badhasaab Ramaax Way Hirgashay,
 
Berbera Iyo Ramaax
Badhasaab Ramaax Gobolka Saaxil Wuxuu Ku Sabootiyey Khudbad Dadka Deegaankaasi U Riyaaqay Taas Oo Uu Iskaga Dhigaayey Inuu Gobolkaasi Ka Difaacayey Duulaan Lagu Soo Qaatay,Hadaladiisa Waxaan Kasoo Qaadaya Sadex Kelmadood Oo Miisaan Leh Kuwaas Oo Uu Jeediyey,Wuxuu Yidhi,
 
1,Bedelkaygu Wuxuu Metela Kii Khaalid Bunu,Waliid Xilka Lagaga Qaaday,Waxay Ahayd Qiso Dheer Oo Xigmad Badan Ku Duugan Tahay,Inkasta Oo Aanan Si Fiican U Fasili Karin Qisadaasi,Waxaa Xusid Mudan Khaalid Bunu Waliid Markii Xilka Laga Qaaday,Waxay Ciidamadii Muslimiintu Isku Diyaarinaayeen Dagaal Ay Ku Qaadaayeen Cadawga Gaalada
2,Wuxuu Bedelkiisa Tusaale Ugu Soo Qaatay Nin Ka Caana Deegaanka Berbera Oo Lagu Magacaabi Jiray C//aahi Xaaji Siciid,Alle Ha U Naxariiste Marxuumkaasi Sidaan Filaayo Waxaa Lagu Fuliyey Dil Toogasho Ah,Macnaha Uu Xanbaarsanaana Waxa Uu Ahaa In Beesha Uu Kasoo Jeedo La Ugaadhsanaayo Qaabka Hadalkiisa Ka Muuqatay,
3Wuxuu Tusaale Usoo Qaatay Qisadii Nebiyulaahi Yuusuf (Scw),Nebi Yuusuf Ceel Dalam Kusii Kii Dadka U Xigay,Nebi Yuusuf,Waxaa Ceel Ku Riday Walaaladii La Dhashay,Qisadaas Oo Ahayd Mid Cajiiba,Kelmadan Wuxuu Usoo Qaatay In Looga Soo Dhacay Dhanka Dadka Ay Is Xigaan,
 
Badhasaab Ramaax Wuxuu Ku Sifoobay Sharci Adayg,Ficil Badan Hadal Cadaan Iyo Waxqabad La,aan Maanta Ma Jirto Hal Mashruuc Oo Uu Ku Faani Karo Kuwaas Oo Uu Ka Hirgeliyey Goboladii Uu Soo Xukumaayey,Waxaanu Nasiib U Helay Inuu Noqdo Masuulka Ugu Horeeyey Ee Badhasaab Ka Noqda Lix Gobol,Ugu Danbayn Badhasaab Ramaax Wuu Haysta Teatle Ku Filan
 
Lasoco Qaybaha Kale,
 
Weriye Cabdiraxmaan Rooble Cabdilaahi (Tiriike)
 
Somaliland,Burco

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here