Madaxweyne ku Xigeenka Somaliland oo la Kulmay Wafdi ka Socday Norway + SAWIRRO

0
972

Hargeysa, (HargeisaPress) — Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, C/raxmaan CabdilaahI Ismaaciil Saylici, ayaa maanta qasriga madaxtooyadda kula kulmay wefti ka socda Dalka Norway.

Weftigan oo ka kooban 12 qof ayaa iskugu jiray Ururada Bulshada iyo Macalimiinta Jaamacada Dalka Norway, kuwaas oo saddexdii maalmood ee u dambeeyey dalka ku sugna, waxaanay sheegeen inuu safarkooddu la xidhiidho sidii ay u soo ogaan lahaayeen xaqiiqada Dhabta ah ee ka jirta Somaliland.

2014102635478485882658105DSC_0075

Weftiga ayaa sheegay inay doonayaan inay Somaliland ka caawiyaan xaga waxbarashadda, isla markaana ay hore ula kulmeen wasiirka waxbarashadda Samsam Cabdi Aadan.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa weftiga uga mahad celiyey imaanshiyaha weftigan, waxaanu sheegay inay indhahooga ku soo arkaan nabadda iyo horumarka ka jirta.

2014102635478490172156567DSC_0138

Kulanka madaxweynaha waxa ku wehelinayey wasiirka wasaaradda Beeraha Prof. Faarax Geedoole, Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dr. Cabdi Aw Daahir iyo Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Maaliya Mudane Saxardiid.

Sidoo kale, weftigan oo u badna dumar waxay la kulmeen marwadda madaxweynaha Amino Sheekh Maxamed JIrde, waxaanay Marwadu uga mahadnaqday weftiga sida ay wakhtigooddii usoo siiyey inay Somaliland yimaadaan iyo inay Somaliland ka bartaan dunidda inteedda kale.

2014102635478489809347437DSC_0117

Haweenay la socotay weftiga oo magaceedda la yidhaa Brite Rise Fredheim ayaa kun dollar ugu deeqday cisbitaalka weyn ee Hargeysa, taas oo ay ugu tallogashay in lagu caawiyo haweenka iyo caruurta la keeno cisbitaalka.

 

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here