Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Boorame Xadhiga Kaga Jaray Wershadda Royal Industry Oo Furshaanta Soo Saari Doonta, Weedhihii Madaxda Dawladda + SAWIRRO

0
1003

Borama,(HargeisaPress) —Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa Magaaladda Boorame ee Xarunta Gobolka Awdal xadhiga kaga jaray  Wershadda Royal Industry oo ah wershad samaysa Noocyadda Furshaanta ee kala duwan, waxaanay noqonaysa wershaddani Furshaantu tii ugu horaysay ee nooceeda ah ee gobolkaasi laga hirgeliyo baahi wayn oo bulshaddu qabtayna dabooli doonta.

Munaasibad balaadhan oo shalay Huteel RAYS ee Guddaha Magaalo madaxda Xarunta Gobolka Awdal ee Boorame ka qabsoontay, ayaa Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) waxa uu si rasmi ah xadhiga kaga jaray  Wershadda Royal Industry oo ah wershad samaysa Noocyadda Furshaanta ee kala duwan, waxaana Wershaddani maalgeliyey Ganacsade  Muumin Jaamac Samaale oo ahna mulkiilaha werhsaddaasi, waxaana ka soo qaybgalay xafladda Daahfurka werhsaddani xadhiga looga jaray madax ay ka mid ahaayeen Wasiirka Ganacsiga Somaliland Maxamuud Xasan Sacad, Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen, Maayarka iyo Badhasaabka Awdal, Xildhibaano Madax dhaqameed, ganacsato, Haween, dhalinyaro, siyaasiyiin iyo guud ahaan hal-doorka iyo labeenta iyo aqoonyahanka Gobolka Awdal, waxaana halka amaan iyo duco looga jeediyey ganacsade Muumin Jaamac oo ALLE looga baryey in uu ku garab galo ganacsigiisa iyo wershaddan bulshadda iyo qaranka Somaliland muhiimka u ah ee uu guddaha dalka ka hirgeliyey.

Muumin Jaamac Samaale oo ah ganacsaddaha iyo  Mulkiilaha waddaniga ee isagu iska leh Werhsaddani Furshaanta ee Royal Industry ee Furshaanta noocyadooda kala duwan soo saaraysa oo ugu horeyn munaasibadda furitaanka Weedho kooban ka jeediyey waxa uu sharaxay sababta wershaddan guddaha dalka uga hirgeliyey iyo muhiimada ay bulshadda reer Somaliland u leedahay waxaanu yidhi “Mashruuca Wershaddani aanu Gobolka Awdal ka hirgelinay waxaanu u sameynay Somaliland gees ilaa gees Wershad kasta oo laga furo Burco ama Laascaanood ama Ceerigaabo ama Boorame gees ilaa gees way gaadha sababto ah Biyaha Burco ayaa inoogu horaysay ilaa Saylac ayeynu ku cabaynaa, maantana Wershadihii way inoo soo bateen Nabadiina way inoo soo badatay , marka kolba wixii inoo soo kordha Alxamdulilaah ayeynu leenahay, waxaana aan rajaynayaa inay Wershaddan aanu hirgelinay ee furshaantu dabooli doonto baahi badan oo dalka ka jirtay”

Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen oo isaguna ka mid ahaa madaxdii shirka ka qaybgashay waxa kelmadiisii uu furitaanka Wershadda ka yidhi u dhigneyd sidan “Waxaan leeyahay hambalyo walaalkay Illaahay ha ku sii barakeeyo ganacsigaaga, dalka kalena waxaan leeyahay ee doonaaya inay dalka wax ka sameeyaan ama maalgashi ku sameystaan waa in sida wershado noocan oo kale oo dalkana horumar u sameynaaya dadkana shaqo abuuris u sameynaaya aynu abuurno”

Mid ka mida madax dhaqameedkii munaasibada lagu casuumay oo halka ka hadlay waxa uu yidhi “Anagu hadii aanu madax dhaqameedka nahay waxaanu ku leenahay Ganacsatadda waar waa meelihii aynu isha ku haynay Wershadduhu , waxa loo baahan yahay in la fikiro oo hore loo socdo oo Kiishka iyo Kartoonka yar iyo in aan lagu Eekaanin ayaa loo baahan yahay, waxaanan halkan uga ducaynaynaa walaalkeen Ganacsade Muumin Jaamac Samaale oo isagu maalgashiga Wershadani muhiimka ah ee wax tarka u yeelan doonta gobolka Awdal iyo guud ahaan dalka Somaliland ba maanta inooga Hirgeliyey Boorame”

Badhasaabka Gobolka Awdal iyo Duqa golaha deegaanka Boorame oo iyaguna Weedho dhiirigelin iyo taageero ah halka ka jeediyey ayaa amaanay ganacsade Muumin Jaamac maalgelinta uu ku dhiiraday ee wershaddani uu dalkiisa Somaliland ka hirgeliyey iyaga oo ganacsatadda kale ee lacagta haysatana ugu baaqay inay ku dhiiradaan maalgelinta Wershaddaha Waddaniga ee guddaha dalkooda si horumar iyo shaqo abuur dalka iyo bulshaddu uga hesho Wershadda waddaniga ah.

Wasiirka Ganacsiga Somaliland Maxamuud Xasan Sacad oo isagu ka hor intii aanu madaxweynaha khudbada xidhitaanka xafladda daahfurka wershadda ku soo dhaweynin halkaasi kelmadiisa ka yidhi waxa hadalkiisii ka mid ahaa “Xafladani aynu joogno ee daahfurka ahi waa Wershaddii ugu wayneyd ee Gobolka Awdal laga sameeyey inta anigu aan garanaayo, waxaanan aad iyo aad ugu mahadnaqayaa dedaalkaasi uu sameeyey ee dalkiisa ku maalgeliyey isaga iyo intii kaalmaysayba waanu u mahadnaqaynaa, waxaanan ALLE uga baryayaa in uu Ganacsigiisa u barakeeyo kana dhigo kii ku guulaysta”

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ugu dambeyntii xafladdani hadal ka jeediyey xadhigana si rasmi ah uga jaray Wershadda Royal Industry ee Furshaanta dalka u soo saari doonta waxa uu yidhi “Waxa maanta farxad iyo sharaf wayn noo ah in aan ka soo qaybgalo furitaanka wershaddani Royal Industry soo saari doonta Isbuunyadda ama Furshaanta oo ah runtii wershad ka mida wershaddaha dalku baahida wayn u qabo ee Isbuunyo ah, runtiina waxa kaliye ee wax inoo tari karaa waa gacmaheena iyo ganacsigeena oo aynu isku geyno , ka dawlad ahaana anagu mar walba waxaanu diyaar u nahay in aanu cid kasta oo wax qabsaneysa la dhiirigeliyo”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here