Madaxweyne Gaas oo Cabdifataax Ashkir u Magacaabay Agaasimaha Puntland TV

0
1235

CFitaax 4Garoowe,(HargeisaPress) — Agaasimihii Telefishinka iyo Raadiyaha Puntland mudane Axmed Maxamed Cali ”Kismaayo” ayaa xilka laga qaaday

Madaxweyne Gaas ayaa xilkan  maanta u magacaabay saxafi sare Cabdifataax Nuur Ashkir oo ahaa khabiir mudo ka soo shaqaynaayay saxaafada caalamka waxana shacabka Puntland ay maanta si weyn usoo dhaweeyeen magacaabista ashkir oo ay ku tilmaameen mid lala helay halkii ku haboonayd.

Digreeto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha oo nuqul kamid ahi uu soo gaadhey HargeisaPress.com, ayaa xilkaas loogu magacaabay C/fataax Nuur Axmed Ashkir oo ah saxafi dhallinyaro ah oo dalka dibaddiisa wax kusoo bartey, lana soo shaqeeyey warbaahino caalami ah oo ay kamid tahay Al-jazeera.

Digreetada magacaabista agaasimaha cusub ee TV-ga iyo Idaacadda Puntland ayaa u qornayd sidan:

 

Digreetada magacaabista agaasimaha cusub ee TV-ga iyo Idaacadda Puntland
Digreetada magacaabista agaasimaha cusub ee TV-ga iyo Idaacadda Puntland

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here