UN Monitoring Group Oo Si Rasmi Ah U Bilawday Baadhitaan Ay Ku Samaynayso Musuqmaasuqa Hadheeyey Arrimaha Shidaal Baadhista Somaliland Iyo Wasiirka Macdanta Oo Loo Keenay Qoraalo Lagu Ogaysiinayo Arrintaas

0
1029

news logo HPNariobI/Adis ababa,(HargeisaPress) — Kooxda Qaramada Midoobay (United Nations) u qaabilsan la socodka iyo daba-galka arrimaha Musuqmaasuqa ee la yidhaahdo UN Monitoring Group, ayaa si rasmi ah u bilawday baadhitaan ay ku samaynayso musuqmaasuq hadheeyey heshiiska shidaal sahaminta ee ay Wasaaradda macdanta Somaliland kula jirto shirkado ajanabi ah oo door ah oo ay ugu wayntahayGenel Energy.

Kooxdan Monitoring Group ayaa durtaba su’aalo badan oo hordhac ah oo wax lagaga waydiinayo heshiisyadaasi usoo dirtay wasiirka macdanta Somaliland Xuseen Cabdi Ducaale (Waji-xun) si uu uga soo jawaabo, taas oo ay akideen ilo diblomaasiyadeed oo xogagaal ah oo Nairobi ku sugan iyo waliba wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Warancade oo Adis-ababa ku qirtay inay u yimaadeen masuuliyiin ka tirsan kooxda Monitoring Group si ay wax uga waydiiyaan dhawr arrimood oo ay ka mid yihiin kuwa la xidhiidha shidaal baadhista iyo nabadgalyada (Security).

Madaxwayne Siilaanyo Wuxuu Talo-Biday Inuu Ka Tanaasulo Ilaalinta Madaxbanaanida Qaranimo Ee Somaliland Oo Uu U Yeedho Nicholas Kay Si Uu Uga Maslaxo Kooxda UN-Ka Ee Baadhitaanka Wada

Cali Warancade oo hadda ku sugan Magaaladda Adis-ababa ayaa markii uu todobaadkan ka amba-baxayey Hargeysa ujeedada socdaalka uu ku tagayey Ethiopia ku tilmaamay inuu masuuliyiinta dalkaasi kala soo xaajoon doono sidii loo furi lahaa xadka labada dal u dhaxeeya, iyadoo la ogaa in arrintaasi ay todobaadkii hore isku afgarteen madaxda sare ee labadan Dawladood markii uu Madaxwayne Siilaanyo ku sii hakaday Adis-ababa isagoo usii jeeday magaaladda London oo baadhitaan Caafimaad iyo nasasho uu hadda u joogo. Hase yeeshee waxa jira warar soo shaacbaxaya oo si cad u muujinaya in kooxda Monitoring Group ay Cali Warancade Adis-ababa kula yeelatay kulamo hordhac u ah baadhitaankoodan, kaas oo muddo hadda lix bilood laga joogo uu Wargeyska Haatuf sii sheegay in Kooxda Monitoring Group ay isku diyaarinaysay sidii ay baadhitaanadaasi u qabsoomi lahaayeen.

Wasiirka macdanta ayaa xiligaa waxa uu warkaasi Haatuf ku sifeeyey mid been abuur ah oo lagu waxyeelanayey sharaftiisa (Defamation), waxaanu isagoo la kaashanay wiilka uu sodoga u yahay Madaxwayne Siilaanyo ee Baashe Cawil, Xeer Ilaalinta, Bilayska iyo Garsoorkaba kiis maxkamadeed u sameeyey Wargeyska Haatuf iyo Guddoomiyhiisa Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo Tafatirihiisa Axmed Cali Cige, halka Madaxwayne Siilaanyo ku tilmaamay warkaasi mid baad lagaga doonayey wasiirkiisa Macdanta iyo Tamarta Xuseen Cali Ducaale.

Sida uu Wargeyska Haatuf ku iftiimiyey qaar ka mid ah Cadadyadiisii ka hor intii aan albaabada loo laabin 7-dii bishii April 2014, waxa la filayaa in kooxda Monitoring Group ay baadhitaankan bilaabmay diirado ku saarto wasiirka macdanta Xuseen Cabdi Ducaale iyo shaqsiyaad xil rasmi ah aan ka haynin xukuumadda Somaliland, balse xidhiidh dhaw la leh Madaxtooyadda dalka.

Maxkamadda gobolka Hargeysa ayaa 25-bishii 6-aad ee sanadkan Guddoomiyaha Haatuf iyo tafatiraha wargeyskaasi ku kala xukuntay xadhig saddex iyo afarsanood ah iyo ganaax lacageed oo dhan 50 Malyan oo Somaliland Shilings ah, isla markaana laashay ruqsadii labadda Wargeys ee Haatuf iyo Somaliland Times ka dib markii ay maxkamadu ay dambi u qoonsatay dhawr maqaal oo Wargeyska Haatuf ka qoray arrimo maamul xumo iyo musuqmaasuq iskugu jira oo  uu masuuladeeda lahaa wasiirka macdanta oo la xidhiidhayey hawlaha shidaal baadhista.

Hadaba xukunada qalafsan ee Haatuf ku dhacay oo markiiba soo jiitay indhaha warbaahinta caalamka ayaa waxa ka dhashay in meelo badan oo dunidda ka mid ah laga ogaado musuqmaasuqii ka jiray heshiisyada arrimaha shidaal baadhista ee madaxda xukuumaddu doonayeen inay damba-basaan, isla markaana Wargeyska Haatuf markii uu wax ka qoray, taas oo hadda sabab u noqotay dardar-galinta hawlihii baadhitaankii u qorshaysnaa kooxda UN Monitoring Group.

Dhinaca kale martiqaadka lama filaanka ah ee uu Madaxwayne Siilaanyo dhawaan u fidiyey Nicholas Kay  inuu magaaladda Hargeysa ugu yimaado ayaa inkastoo uu wasiirka khaarajiga Somaliland Maxamed Biixi Yoonis uu ujeedada ka danbaysa martiqaadkan ku tilmaamay mid ay uga danleeyihiin in Mr Kay uu Warbixin sanadeedka Soomaaliya ku saabsan ee uu golaha amaanka u gudbiyo uu wax wanaagsan sanadkan kaga darro Somaliland, haddana sida ay ilo xogogaal ahi noo sheegeen ujeedada ugu mihiimsan ee xukuumadda Somaliland Mr Kay ugu yeedhay  waxa ay tahay sidii uu Madaxwayne Siilaanyo uga codsan lahaa inuu ka maslaxo kooxda UN Monitoring Group si ay u joojiso baadhitaankeeda ku saabsan musuqmaasuqa ka jira xukuumadda Somaliland dhexdeeda oo uu kow ka yahay ka khuseeya hawlaha shidaal baadhista oo haddii si qoto-dheer loo sii gudo galo laga yaabo inay banaanka u soo baxaan xogo hanti-lunsi balaadhan ah oo uu qoyska madaxwayne Siilaanyo lug ku yeelankaro.

Mr Nicholas Kay ayuu badhtamihii 2013-kii waxa wakiilkiisa gaarka ah ee arrimaha Somalia u qaabilsan u magacaabay xoghayaha guud ee qaramada midoobay Ban Ki-moon, halka kooxda Monitoring Group oo todoba xubnood ah uu toos usoo magacaabay golaha amaanka ee qaramada midoobay. Inkasta oo ay kooxdani ay u madaxdabanaan tahay hawshooda hadana waxay wada shaqayn la leeyihiin Nickolos Kay oo xafiiska siyaasada ee uu madaxda ka yahay ay hoos yimaadaan dhamaan hawlaha ay qaramada midoobay ka waddo dalkii la isku odhan jiray Jamhuuriyadda Soomaaliyeed, taas oo ay labadoodii dawladood ee kala madaxbanaanaa ee Somaliland iyo Somalia ku midoobeen 1960-kii.

Mr Kay ayaa tan iyo intii loo magacaabay xilkan uu hadda hayo mar qudha uun booqasho ku yimid dalka Somaliland ka dib markii ay xukuumadda madaxwayne Siilaanyo ay imaatinkiisa halkan u aragtay inuu ka hor imanayo madaxbanaanida qaranimo ee dal ahaaneed ee Somaliland (Sovereignty), taas oo ay siyaasiyiinta dalku maxaafid iyo mucaaridba iyo bulsho waynta Somaliland-ba xukuumadda ku taageersanaayeen mawqifkeedaasi ku aadanaa Nicholos Kay.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa martiqaadka ay xukuumadda madaxwayne Siilaanyo ee uu ka tirsan yahay u fidisay Mr Kay ka hadlay uun ka dib markii uu Wargeyska Geeska Afrika uu cadadkiisii shalay ku shaaciyey xogo la xidhiidha arrintaasi.

KooxdaUN Monitoring Group ayaa warbixin ay dhawaan soo saartay Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wasiirkiisii hore ee khaarajiga Foosiya Xaaji Yuusuf ku eedeeyey inay weecsadeen lacago ku xayirnaa baanan dibada ku yaala oo ay lahayd dawladii hore ee Somalia ee la riday bishii January 1991-kii.

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here