Madaxwayne Siilaanyo Oo Qalinka Ku Duugay Wakhtiga Rasmiga Ah Ee Ay Dalka Ka Qabsoomayso Doorashada Madaxtooyada Somaliland

0
1074
Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo

Hargeysa, (HargeisaPress) —Madaxwaynaha Somaliland ayaa maanta qalinka ku duugay isla markaana ansixiyey wakhtiga rasmiga ah ee ay dalka ka dhacayso doorashada madaxtooyada Somaliland,taas oo guddiga Komishanka qaranka usoo gudbiyeen,waxaana uu madaxwayne Siilaanyo ansixiyey in doorashada madaxwaynaha iyo madaxwayne ku xigeenka Somaliland ay dalka ka qabsoonto 13.November 2017-ka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu xeer Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-4866/062017 ku Cayimay Xilliga Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland la qaban doono

Madaxweynuhu:

Markuu Arkay:                     Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda    Somaliland;

Markuu Arkay:               Qodobka 83aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay:         Qodobka 9aad ee Xeerka Wax-ka Beddelka iyo Kaabista Xeerka Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Goleyaasha Deegaanada ee Xeer Lr.  20/ 2001;

Markuu Helay:   Qoraalka Guddida Doorashooyinka Qaranka ee Summaddiisu tahay KDQ/XK/060/2017 ee ku taariikhaysan 08/06/2017, Ujeeddadiisuna tahay Cayimaadda Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, si waafaqsan Qodobka 9aad (2) ee Xeerka Wax-ka Beddelka iyo Kaabista Xeerka Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Goleyaasha Deegaannada ee Xeer Lr.  20/ 2001;

Markuu Arkay:  Go’aanka Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland ee summaddiisu tahay GG/JSL/Go’aan-02/03/2017, kuna taariikhaysan 06/03/2017, kaas oo lagu sameeyey muddo korodhsiimo ku eeg 13/12/2017;

Markuu Arkay:               Qoraalka Maxkamadda Dastuuriga ah, ee summaddiisu tahay MD/DD/01/2017, kuna taariikhaysan 16/02/2017, ujeeddadiisuna tahay Qaraarka Dib-u-eegista Qaraar Fasiraad lam.MS/DD/02/2015 ee 18/08/2015;

Markuu Ku Qancay:  In ay lagama-maarmaan u tahay Hannaanka Dimuqraadiyadda iyo Doorashooyinka in la cayimo Xilliga Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland;

 Wuxuu Soo saaray

Xeerkan oo lagu go’aamiyey in taariikhdu marka ay tahay 13/11/2017, ay noqoto maalinta ay qabsoomayso Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here