Madaxda Dawladda Soomaaliya oo Salaaddii Ciidda la tukaday Dadweynaha Muqdisho + SAWIRRO

0
985

ciida muqdishoMuqdisho,(HargeisaPress) — Madaxda dowladda Soomaaliya ayaa maanta kula tukaday salaaddii ciiddul fidriga boqolaal dadweyne iyo mas’uuliyiin kale ah masjidka isbahaysiga Islaamka, iyadoo ammaanka masaajidka si aad ah loo adkeeyay.

Dadweynaha doonaya inay masaajidka ku tukadaan ayaa goobo kala duwan baaritaan adag ku marayay, iyadoo madaxweynaha, ra’iisul wasaaraha iyo xubno kale oo dowladda ka tirsan ay ku tukanayeen masaajidka.

Salaada ciidda, kaddib ayuu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud halkaas ka jeediyay khudbad, isagoo shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay kaga sugan yihiin dunida u diray hambalyo ku aaddan ciidul-fidriga.

ciida muqdisho2

Madaxweyne Xasan ayaa ummadda Sooamaliyeed ku boorriyay midnimo iyo in la joojiyo colaad beeleedyada dalka ka jira, isagoo uu ugu baaqay inay is-cafiyaan oo ay joojiyaan colaadaha aan macnaha lahayn oo dhiigga badani ku daadanayo.

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa ka hadlay dhibaatada kuu khilaafu u leeyahay dalka, isagoo ku baaqay in si deg-deg ah loo joojiyo dagaallada iyo colaadaha joogtada ah; wuxuuna faray hay’adaha ammaanka inay tallaabo ka qaadaan cid kasta ee colaadaha hurinaysa.

Ugu dambeyn, madaxweynuhu ayaa gacan qaaday dadweynihii masaajidka uu kula tukanayay iyo mas’uuliyiinta dowladda, waxaan amniga adkeynayay ciidammo isugu jira kuwa dowladda iyo kuwa AMISOM, iyadoo dad doonayay inay masaajidka ku dukadaan dib loo soo celinayay.

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here