Ma waxaynu nahay dad aan isu nixin? Mise waxaynu nahay dad aan ilaahay naxariis ka sugayn?

0
1000
Axmed Cisman Batuun

Sida laga warqabo Dalka waxaa ka jirta Abaaro aad u xun oo xiligan saamayn weyn ku yeeshay Xoolihii la dhaqanayey, suurto-galna ay tahay inay xataa saamayn ku yeelato Dadka haysan helin gurmad degdeg ah. Abaarahan oo dalka oo dhan ka jira haba sii kala darnaadane hadana waxay xiligan u badan yihiin oo saamayn xoogan ku yeesheen Gobolada iyo Deegaamada Galbeedka Somaliland.

 

Abaaruhu waa dhab oo waa Qadar Eebe oo imaanshahooda ma jirto Cid khaas ah oo Dusha loo saarayo, haddaba Wariye Axmed.Cismaan Batuun ayaa ka damqaday oo ka qoray maqaal kooban oo u kaga hadlayo Abaaraha.

 

Waxaanu ku Bilaabay sidan:-

 

Ma waxaynu nahay dad aan isu nixin? Mise waxaynu nahay dad aan ilaahay naxariis ka sugayn? ma waxaynu nahay dad aan lahayn damiir iyo garasho inyar shaqaynaya? Miyaynaan xataa su,aalo iska waydiin waqtiga,xaaladda dadkeena iyo duunyadeena?

 

Hadalkan ugama jeedo aflagaaddo aa umadda ula badheedhay balse waxaan liqi waayay sida liidata ee loo hadal hayo dadka abaaruhu halakeeyeen,waliba imika xaaladu way dhaaftay xoolo oo waxaa la marayaa xilli ay dadkii macaluul u dhinteen,walaahi waa danbi wayn in aynu wax kale hadal hayno oo aynu warbaahinta isu marino xisbi hebel ayaa si way loosoo dhaweeyay iyo hebelbaa halkan maray,waa danbi wayn in baraha bulshada lasoo dhigo sawiro siyaasad ka hadlaya xilligan waxaa ila quman in laga hadlo sidii dadka loogu gurman lahaa waxaa ila quman in kooxaha ganasatada ah ee dadka baadhashada la dhexjoogaa fadhiga ka kacaan,waxaa fiican in xisbiyadu kharashaadka ay ku bixinayaan dhoolatuska ay umadda biyo u siiyaan oo ay galaan gurmad qaran isla markaana guubaabiyaan qaybaha bulshada,waxaa fiican in bahda saxaafaddu baahiso wararka macaluusha iyo abaarta oo ay yareeyaan wararka aan macnaha badan lahayn.

 

Waxaan leeyahay saaxiibadda baraha bulshada isticmaala ka shaqeeya sidii dadka walaaleheen ah wax loo tarilahaa oo joojiya qoraalada iyo fariimaha macno darrada ah,qofkii shilin ku bixin kara iyo kii cod ku taageeri kara shacbiga abaaruhu ku habsadeenoow haka hagran intaase ugu gurmo.

 

Tani waxay fure u tahay in ilaahay innoo naxariisto oo aynu ka baxno abaarta,bahda culimaduna ducada ha badiyaan waxaan kaga baxayaa aynu ilaahay ka cabsanno oo aynu noqono dad is taakuleeya oo isu naxa oo isu damqada oo isku naf ah.

 

 

ILAAHAY HA INOO WADA GARGAARO ABAARTANA HA INAGA JABIYO

 

Qalinka:  Axmed.Cismaan Batuun.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here