“Ma Maanta Ayay Taagan Tahay In Odayaasheenii Qabriyadooda La Iibiyo….” Sheekh Aadan-Siiro

0
950
Sheekh Aadan-Siiro

Hargeysa, (HargeisaPress) —Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa Khudbaddii Jimcaha ee Maanta kaga hadlay Xabaalo Qadiim ah oo ku yaalla Magaalada Berbera, kuwaasi oo uu sheegay in Dhulka ay ku yaallaan la iibiyey.

Sheekh Aadan oo khudbaddiisa Diirradda ku saaray Musuqmaasuq uu sheegay inuu Somaliland aafeeyay, ayaa sheegay in Xabaalo Qadiim ah oo ku yaalla Berbera loo diray Dad Oromo ah oo u banneeya Dad uu sheegay in laga iibshay, arrintaasi oo uu ku tilmaamay Ayaan-darro weyn.

Sheekha oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Waxaan si kooban uga hadli doonaa in la Lunsado Hantida Ummadda ka dhaxaysa, oo Qofku sida uu doono uu isticmaalo iyo ILAAHAY wuxuu ka yidhi, Rasuulkiisuna wuxuu ka yidhi iyo waxay Culimadii Diinta fahamtay ka yidhaahdeen. Waxa igu kellifay inaan ka hadlo ka dib markii wax walba lagu kala tagay inay gaadhay in la iibiyo oo la baloodheeyo Xabaalihii Berbera (ee ay ku aasnaayeen) Odayaashii Taariikhda lahaa ee ay ka Tafiirmeen Boqollaal Kun oo Qof Dalkan Raad-dhigay, iyadoo ay u heshiiyeen (iibka Xabaalaha Berbera) Kooxo is-ogi.  Cisaabaadka Isku-xidhan, waxay dhiiranaantoodu gaadhay Maanta in Odayaasheennii lahaa Taariikhda ee Waxgaradka ahaa in Innaga oo soo taagan Xabaalihii ay ku aasnaayeen ee Berbera la baloodheeyo.”

Sheekhu waxa kale oo uu sheegay  “Macalasaf, waa Arrin uu ka xishooday Abuu Sufyaan Binu Xarbi, Waa Arrin uu ka xishooday Naqtal binu Xaaris. Nimankii Gaalada ahaa ee Doonayey inay Rasuulka (CSW) dilaan ayaa ka xishooday in Qabriyada la taabto. (Nimankaasi iyagoo dagaal ugu socda Rasuulka) ayay la kulmeen Qabriga Aamina Bintu Wahab oo Nebiga (CSW) Hooyadii ahayd, markaasaa Nin soo jeediyey maaddaama oo aynu is haynno Muxamed (Nebiga CSW) aynu Qabriga Hooyadii Baa’biino, laakiin Abuu Sufyaan ayaa diiday oo yidhi ‘Taariikhdu na sheegi mayso sidaanu doono aanu u dagaalanee in la yidhaahdo Abuu Sufyaan ayaa baa’biiyey Qabrigii Muxamed (Nebiga CSW) hooyadii. Abuu Sufyaan Binu Xarbi oo markii dambe noqday Saxaabi Muslim ah, Xilliga uu ka xishooday (inuu Qabriga Nebiga Hooyadii Baa’biiyo) wuxuu ahaa Mushrig.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Iyadoo Damiirkii dhintay, iyadoo Dareenkii dhintay, oo aan ogahay in Maanta Dadka nool ay yar tahay dareen ka jawaabaya, waxaan doonayaa inaan ILAAHAY hortiisa ka tilmaamo inaanu ka hadalnay Maalintii waxaasi dhacayeen, Annaga oo daliishanayna Xadiiska saxeexa ah ee sheegaya ‘Qofkiina Xumaan arkaa Gacanta wax ha kaga qabto,  taasi oo Maanta ay Xukuumadda saaran tahay, ahna ta aanu la hadlayno, inkasta oo aanaan ka sugeyn (inay wax ka qabtaan), Waayo? iyaga laftoodii ayaa Hawshaa ku shaqo leh. Qofka Gacanta Awoodi waayaan Carrabka haka beddelo, kuwaasi waa Culimada, waa Tujaarta, kuwii Aqoonta lahaa, waa intii dareenka lahaa, hadday garanayaan Waajibka ILAAHAY Saaray. Labadaa hadduu awoodi waayo Qalbiga haka naco. Qalbiga markay gaadho Imaamu Shaafici wuxuu yidhi, kaa Qalbigiisa kuma jiro iimaan leeg Xabad Heeda, markaa markaad Gacanta waxba kaga qaban kari waydo, ee aad hadli waydo iskaga tag meesha waxaasi ka dhacayaan.”

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud waxa kale oo  uu Khudbaddiisa ku sheegay “Ma Maanta ayay taagan tahay Odayaasheenii Taariikhda lahaa in Qabriyadooda la iibiyo. Xabaalaha qaarkood waxa loo diray Dad Oromo ah oo aan Diin iyo Dadnimo waxba ka garanayn oo Sabarrado sita (Si ay u baa’biiyaan), iyadoo loo bannaynayo Dad lala heshiiyey.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey in Xitaa Ambiyada looga digay inay Hantida Ummadda ka dhaxaysa lunsadaan, taasi oo tilmaamaysa culayska ay ILAAHAY agtiisa leedahay in Masuuliyiintu lunsadaan waxa Dadka ka dhexeeya “Nebi umay sugnaanin inuu wax khiyaameeyo, ka wax Lunsada wuxuu Maalinta Qiyaame la imanayaa wixii uu khiyaameeyay, naf walbana waxa laga abaal-marinayaa wixii ay shaqeysatay iyadoon la dulmiyin, ayuu yidhi ILAAHAY (SW). Xitaa Rasuulka (CSW) ayaa Tusaale laga dhigay Adaygga ay adag tahay in Qofku marka uu Xukunka hayo ee uu Awoodda leeyahay in wax Ummaddu leedahay uu gaar u saaro ama uu gaar u isticmaalo ama Cid uu isagu doonayo uu siiyo. Waan idiin sheegayaa, Musuqmaasuqa iyo Hantida Ummadda ee la lunsaday kamay dhicin Dawladdii aynu la dagaalanay (ee Siyaad Barre), sida ay ka warrameen Dadkii taana ala shaqeeyay, tanna Maanta la shaqeynaya.”

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey oo Khudbaddiisa kaga hadlay arrimo badan oo ku saabsan Musuqmaasuq uu sheegay inuu Dalka ka dhacay, ayaa farriin u diray Xukuumadda “Xukuumadda waxaanu leenahay 48 cisho ayaa kuu hadhay ee ka daaya, waar waalla isku dili doonaa ee Ummadda u tudha. Haddaad gaadhaan in Qabriyadii Odayaasha inaad Fadhataan oo aad Cid siisaan waxay keeni doontaa Arrin aan Dadka qaarkood Aqbalin.”

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here