Ku Xigeenka Duqa Caasimada Oo Xilkii Ka Qaaday Aggaasimaha Waaxda Cashuuraha Dowlada Hoose Ee Hargeysa.

0
802

Hargeysa, (HargeisaPress) —Yuusuf Soraan oo ka mid ahaa shaqaalihii madaxka haya’adda shaqaalaha dowlada somaliland horaantii xukumada Madaxwayne siilaanyo u direen waxbarashada maamulka cashuuraha iyo maraynta kastamada si ay uga soo bartaan jaamacada shaqaalaha itoobiya ee ku taala wadanka aynu jaarka nahay ee itoobiya caasimadiisa Addis Abab, arintan barashada maamulka cashuuraha iyo maraynta kastamada oo shaqaale ka mid ah shaqaalaha dowlada somaliland yeshaan waxay ka mid noqonaysaa waxqabadyada xukumada silaanyo lagu xasuusan doono ayaa gudoomiyaha golaha degaanka caasimada Hargeysa md C/Raxmaan Maxamuud Caydiid u magaacay Aggaasimaha waaxda cashuuraha ee Dowlada hoose ee Hargeysa  bishii afraad ee sanadkii hore, Duqa caasimada ayaa ku faani jiray massulkan aqoonta cashuuraha nasiibka u helay in uu xil ka qabto dowlada hoose ee hargeysa  sababta oo ah waxaa uu sare u qaaday dakhliga dowlada hoose isaga oo soo saaray dakhli ka badan ku talo galkii misaaniyada ee sanadkii 2014, sababa uu yuusuf Soraan uga bilaabi waayey shaqada dowlada dhexe madaama ay dowlada dhexe u dirtay barashada maamulka cashuuraha iyo maraynta kastamada ayaa inta badan la isla waafaqsan yahay in isaga iyo maayir solteco ka dhaxeeyo xidhiidh saaxibtinimo taas ayaa inta badan loo badiyaa in ay keentay in uu shaqada ka bilaabo dowlada hoose oo uu hadh iyo habeen ka shaqeeyo sidii dowlada hoose ee Hargeysa ugu soo bixi lahayeen dakhli ka badan ku tala galkodii 2014-ka.

Sidaas darteed duqa caasimada oo dalka dibadiisa kaga maqan ayaan 5 May, 2015 Maayir ku xigeenka golaha degaanka caasimada Hargeysa, Mudan C/casiis cago wayne ka qaaday yuusuf Soraan xilkii uu ka hayey dowlada hoose ee Hargeysa ee Aggaasimaha waaxda cashuuraha ee Dowlada hoose, kuna daray in uu yuusuf Soraan ka mid noqdo gudida dakhli kordhinta ee dowlada hoose ee Hargeysa, arintan ayaa sharciga gobolada iyo degmooyinka ee law 23 baal marsan, Masuulkan lagu bedelay Aggaasime Yuusuf Soraan ayaa uu mayirka caasimadu xilka Maamulaha hanti dhowrka gudaha ee dowlada hoose ee Hargeysa ka sii qaaday intii aanu u bixin safarka dibada.

Arintan oo aanu isku daynay in aanu wax ka waydiino Aggaasime yuusuf Soraan ayaa noo suurto gashay in aanu waydiino in ay jirto xilka qaadistaasi, haddii se ay jirto waa maxay sababta laguu cuskaday xil ka qadistaada ayaa oo si kooban u yidhi: walaal way jirtaa in ku xigeenka duqa caasimada, Ahna ku simaha duqa uu 5 May, 2015 iga qaaday xilkii Aggaasimenimo ee aan dowlada hoose ee Hargeysa ka hayey markaa waxaan u arkaa oo kaliya xilalka qaranka ayey dabcigiisa tahay in ay meerto noqdaan, run ahaantiina aad ayaan ugu faraxsanahay intii aan dowlada hoose ka soo qabtay, wakhtigana waxaan diyaar u ahay in aan la shaqeeyo gudida laygu daray haddii Alle yidhaa iyo dowlada dhexe oo aan in badanba ka maqnaa labadba haddii Alle yidhaa”

Waxaa ilo wareedyo lagu kalson yahay noo tibaxeen in Aggaasime yuusuf Soraan uu xilka kaga qaday ku xigeenka duqu shaqaale cashuur qaade yaal uu u soo jeediyey in uu ku qoro goobaha dakhliga oo uu ka dhago adeegay Aggasime yuusuf Soraan.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here