Koox laga soo abaabulay guriga wasiirka arrimaha gudaha oo Hargeysa af-duub ugu gaystay Suxufi ka tirsan Warbaahinta madaxa-bannaan ee Somaliland

0
1039
Wariye Heersare iyo Warancade
Wariye Heersare iyo Warancade

Hargesa ,(HargeisaPress) — Madaxweynaha Somaliland waxa aan u soo jeedin lahaa ummmaddu waxay u baahan tahay wasiir arrimagudeed oo ammaankooda xilqaada oo aan gurigiisa laga soo abaabulayn hawl-gal afduubnimo.”Sidaa waxa yidhi Cabdishakuur Xaaji Muxumed Muuse (Heersare) oo ka tirsan warbaahinta madaxa-bannaan ee Somaliland kana mid ah bahda shabakadda caalamiga ah ee Oodweynenews.com oo shalay muddo lix saacadood ah u afduubnaa koox laga soo abaabulay guriga wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde ee magaalada Hargeysa.

Cabdishakur Heersare oo warbaahinta la hadlay ayaa marka hore waxa uu faahfahinka bixinayaa qaabkii af-duubka loogu gaystay, waxaana uu yidhi; “Waxay ahayd intii u dhexaysay 11kii illaa 12kii duhurnimo markii uu ila soo hadlay qof magacayga garanayay, wuxuu igu yidhi ‘walaalo halbee baad joogtaa waa nin ku garanaya oo hawl kaaga baahane,’ waxan aan u sheegay meesha uu xafiiskaygu ku yaallo. Intii aanay I soo gaadhin ayaa salaaddii duhur la aqimay oo masaajid ii dhawaa ayaan tegay oo aan ku soo tukaday. Intii aan saaladda ku jiray ayay dhawr jeer ila soo hadleen, markii aan salaadda ka baxay ayaan ka qabay waxa aan u sheegay inaan salaadda ku maqnaa, wuxuu qofkii ii sheegay inay joogaan halkii aan u soo tilmaamay. Waxay indhahaygu qabteen xaajiyad cusub oo lambar dawladeed leh, markii aan ku soo dhawaaday ayaan gartay inay yihiin ciddii ila soo hadlaysay. Markii aan u imi ayay igu yidhaahdeen ‘soo fuul gaadhiga’ anna waan diiday oo waxa aan u sheegay in aanan fuulayn illaa ay sababta ii sheegaan, laba jeer ayay igu celiyeem sidii hore oo kale waan ka diiday oo markaa dareen ayaa I galay. Waxa u sheegay inay soo degaan oo ay ii sheegaan waxa jira. Waxay igu khasbeen inaan geeyo xafiiska aan ka shaqeeyo balse waan ka diiday oo waxaan u sheegay haddii ay I rabaan inay sheegaan waxay iga rabaan. Mid ka mid ah ayaa jeebada ka soo saaray warqad daabacan oo uu ku qoray maqaal qof qoray oo la geliyey webka Oodweynenews.com oo lagu dhaleecaynayay wasiirka arrimaha gudaha Cali Maxamed Warancadde. Waxay igu ‘yidhaahdeen soo ma tihid tifaftirihii Oodweynenews oo adigu soo qoraalkan maad qorin oo soo maad webka gelin.’ Waxa aan u sheegay inaan webka tifaftirena ka ahayd qofaalkaana aan gelin isla markaana ay fursad I siiyaan aan ku raadiyo ciddii qoraalka webka gelisay iyo ciddii soo dirtay ba, wax ba iganay sugin ee inta ay iga wareegeen ayay igu tidhaahdeen ‘amma adiga ayaa geliyey oo u dhimanaya amma noo gee ciddii gelisay annaga ayaa waxa aanu doonno ku samaynanee.”

Wuxuu Cabdishakuur Heersare sheegay inay kooxdaasi oo ka koobnayd lix nin hanjabaad iyo tukhaantukho isugu dareen; “Markii ay ku qanciwaayeen warkii aan u sheegayay ayay igu amreen inaan gaadhiga fuulo waan ka diiday, mid ka mid ah ayaa intuu hore ii tukhaantukhiyey xoog gaadhiga igu saaray, markaasuu mid kale yidhi ‘saacaddaa laga bilaabo waad xidhan tahay oo maxbuus ayaad tahay, waaryaa ka qaad telfoonka oo ayaanu dhaqdhaqaaqin.’ markii uu halkaa xaalku marayay waxa aa n ogaaday inaan u afduubanahay kooxdaa oo lix nin ka koobnayd oo isugu jirtay askar dharcad ah iyo niman kale, isla markaana amarka laga soo siinayay guriga wasiirka arrimaha gudaha. Waxay ii qaadeen guriga wasiirka oo inta ay kadinka igu dejiyeen ayaa la xareeyay gaadhigii wasiirka ee lambardaw dawladdu(GT) ku xidhnayd waxaanay la soo baxeen xaajiyad lambar shicib leh. Intaa la soo socday qof aan dareesanahay inuu wasiirka aad uga agdhaw yahay ayaa la soo hadlay oo aramarka bixinayay oo soo dirayay lacagta qadada, amarka meesha shidaalka laga qaadanayo iyo halka qaadka laga qaadanayo. Intaa maxbuus ayaan ahay oo gaadhiga ayaan saaranahay, waxaana aan u sheegay inaan u gaynayo mulkiilaha Oodweynenews.com (Cabdirashiid Jaamac) bal si uu qanciyo waxay intaa leeyihiin ‘kaa laftiisa noogee annaga ayaa naqaanna waxa aanu ku samaynaynee.’ Waxay ii ogalaadeen in telfoonka ku hadli karo oo aan waydiin karo halka uu joogo, wuxuu ii sheegay inuu magaalada ka maqan yahay oo ay u sii jeedaan Arabsiyo. Waxay igu qabseen inaan khasab ku raaco oo aan u geeyo, intii aanu sii soconnay ayuu Cabdishiid ka leexday Arabsiyo oo ay tegeen Gerabis oo ku taalla koonfur-galbeed Hargeysa. Waxaana intii aan gaadhisa saarnaa ay igu lahaayeen waxa idin raba wasiirka amma ha idin xidho amma cirka ha idn geeyo. Markii aanu Gerabis tagnay ee Cabdishiidna gaadhi soo fuulay oo Cabdishiid iyo kooxdii gaadhi saarnaanan wada hadleen oo sidii wax u dhaceen u sharxay, ayaa hogaamiyihii kooxdu beddelay qorshihii oo intuu cabbaar telfoon ka hadlayay ayuu aniga iyo Cabdirashiid faq nala yeeshay, waxaana uu qorsheeyey inuu nagu qanciyo inay iyagu isa soo xilqaameen oo aanu wasiirku soo dirin isag oo na leh ‘Annagu waxa aanu nahay ehelka wasiirka waxa aanu ka xumaannay qoraalka webka la geliyey.’ Waxaana uu sidaa u samaynayay si uu wasiirka eedda uga duwo. Waxaana uu na waydiiyey si arrintii u dhammaato maxaa la qaban karaa, waxa aanu sheegnay in xilli hore webka laga saaray qoraalkii isla markaana raalli gelin laga bixin doonno, markiiba wuu ku qancay.” Ayuu yidhi Cabdishakuur Heersare.

Wuxuu sheegay Cabdishakuur in tallaabadani tahay tacaddi cusub oo ku soo biiray tacaddiyadii hore loogu gaysan jiray suxufiyiinta madaxa-bannaan ee Somaliland; “Runtii Cali Warancadde intii aan loo magacaabin wasiirka arrimaha gudaha ee uu mucaaridka ahaa xilli kasta wuu ila soo hadli jiray wuxuu sii diri jiray qoraalada anna Oodweynenews.com ayaan gelin jiray oo meel fiican aaan dhigi jiray. Haddii qoraalkaa webka la geliyey waxay ku sinnayd inuu ila soo hadlo oo ii uu sheegay qoraalka amma cid kale ila soo hadasho. Sidaa daraadeed laba arrimood ayaan qaadi kari waayay waxay yihiin Cali oo aanu is naqaanno in koox gurigiisa laga soo abaabulayay I afduubaan oo weliba ii hanjabaan isagoo wasiirkii arrimaha udaha ah waa wax aan la yaabanahay, iniga oo lagu haystay oo wax aanan wax ba ka ogayn weliba aan diyaar u ahaa inaan la raadiyo.” Ayuu yidhi Cabdishakuur,

Wuxuu intaa raaciyey oo uu yidhi; “Waxa aan la yaabanahay haddii wasiirkii arrimaha gudaha ee ammaan ummaada masuulka ka ahaa gurigiisa lagas oo abaabulayo shirqoollo iyo afduubyo, isla markaana aan la tixgelinayn shaciyaddii yarayd ee lagu heshiyey oo weliba hawshaa ay gadh-wadeen ka ahaayeen dad wasiir gacan-yare u ah oo isag amarka ka qaata in wasiirku dalka iyo dadkaba ku soo kordhiyey dhacab cusub oo ah in la samaysto kooxo wax afduuba sidii hogaamiye-kooxeedyada. Sidaa daraadeed, madaxweynaha Somaliland waxa aan u soo jeedin lahaa ummmaddu waxay u baahan tahay wasiir arrimagudeed oo ammaankooda xilqaada oo aan gurigiisa laga soo abaabulayn hawl-gal afduubnimo. Ummadda reer Somaliland iyo saxaafadda madaxa-bannaaninaba waxay kaa sugayaan tallaadii aad arrintan ka qaadi lahayd oo ah inaad wasiirka la xisaabtanno illayn sidani waa qaran-dumine”

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here