Khasaaraha Ka Dhashay Mudaharaad Balaadhan Oo Maanta Gilgilay Magaaladda Gabiley + SAWIRRO

0
994

mudarahd gabilGabiley, (HargeisaPress) — Wiil yar oo da’diisa lagu qiyaasay 10 Sano jir ayaa ku dhintay, 12 kalena way ku dhaawacmeen inta la Ogyahay Mudaharaado Rabshada wata oo Maanta ka dhacay Magaalada Gabiley. Mudaharaadayaashu waxay Astaan ka dhigteen Weer Cas oo ay madaxa ku xidheen.

Wiilka yar ee geeriyooday waxaa jiidhay Baabuur ka Ordayay Dhagaxaanta Mudaharaadayaasha, waxaanu dhaawac soo gaadhay Hooyada dhashay. Dhaawac oo ay gaysteen Ciidanka Amaanka oo Rasaas Nool-nool u adeegsaday Mudaharaadayaasha ayaa lagu daweynayaa Cisbitaalka Gabiley.

mudaharad gabiley3

Mudaharaadka oo bilawday goor hore oo Subaxnimadii Jimcaha ah islamarkaana socday ilaa fiidkii ayaa dadka dhigayay waxay ka gadoodsan yihiin Abaanduulihii iyo sarkaalkii hawlgalinta guutada 17aad ee Ciidanka Qaraka Somaliland ee fadhigeedu ahaa duleedka magaalada Qorilugud ee Gobolka Togdheer oo Askari Ciidanka ka tirsan Toogasho Badheedh ah ku dilay Habeen hore.

mud ga

Ninka Dilka gaystay oo Askarta ka tirsanaa islamarkaana u xidhnaa falal anshax xumo ah balse inta uu Saldhiga Ciidanka oo uu ku xidhnaa ka baxsaday Saraakiisha toogtay ayaan ilaa hadda la hayn, iyadoo wararku sheegayaan inuu Degaamada Buuhoodle u baxsaday.

mud ga6

Arintan ayaa si weyn uga cadhaysiisay Dadweynaha Gabiley oo Saraakiishani ka soo jeedaan, kuwaasi oo ahaa Saraakiil Itoobiya wax ku soo bartay. Boqolaal ka mid ah reer gabiiley ayaa xidhay jidka isku xidha Hargeysa iyo gabiley dhinaca kalena uga sii gudba Boorama iyo Wajaale, waxaana mudo xannibnaa Gaadiidka iskaga kala goosha labada dhinac.

mudahraad gab

Xaaladda Gabiley ayaa degan ka dib markii Wasiiro gaadheen halkaasi sidoo kalena Culimada, Madaxdhaqameedka iyo waxgaradka gobolkuna la hadleen dadka una sheegeen inay isdejiyaan.

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here