Kalsooni Kala Noqshada Komishanka Ee Xisbiga Wadani Iyo Go”aanka Madaxwayne Muuse Biixi Waa Dabar Labaad Oo Ku Xidhmay Qabsoomida Doorashada Golaha Wakiilada

0
1290

HARGEISAPRESS —Saamayn Nooceeya Ayay Ku Yeelanayaan Go”aanada Iska Soo Horjeeda Qabsoomida Doorashooyinka Golaha Wakiilada iyo Guurtida Ee Hore U Muddo Dhaaftay ?

Tann iyo maalintii doorashadii u horaysay ee Golaha Wakiiladu dalka S/land ka qabsoontay oo ku beegan 29/9/2005 muddadii Sharciga ahayd ee la doortayna  dhamaatay maalin ku beegan 29/10/2010  waxay taariikhdu ka marag kacaysa in muddo kordhinta Golaha Wakiilada iyo Madaxwayne Siiraanyo wada socdeen oo Golaha Guurtidu muddo kordhintii u horaysay u sameeyay Golaha Wakiilada isagoo Madaxwayne Siiraanyo Talada dalka haya 38 Maalmood oo kaliya,waxaanay ku eedeeyaan Muwaadiniinta u ololeeya geedi socodka Dimuquraadiyadda S/land in Madaxwayne Siiraanyo qorshaha ugu jirin in uu dalka ka qabto Doorashada Golaha Wakiilada iyo Golaha Guurtida.

Sidoo kale,Muwaadiniinta u ololeeya geedi socodka Dimuquraadiyadda S/land waxay warwar hor leh ka muujiyeen in Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi in uu qaaday jidkii Madaxwayne Siiraanyo oo aanu diyaar u ahayn in uu dalka S/land ka qabto Doorashada Golaha Wakiilada iyo Golaha Guurtida,ugu horaynse aynu dull joogsano Afar muddo kordhinood oo Golaha Guurtidu u sameeyay Golaha Wakiilada.

1: 7/9/2010 Golaha Guurtidu waxuu muddo kordhintii u horaysay oo Laba Sanno iyo Sideed bilood ah u kordhiyeen Golaha Wakiilada .

2: 10/4/2013 Golaha Guurtidu waxuu mudo kordhin Laba Sanno ah u kordhiyeen Golaha Wakiilada.

3: 27/5/2015 Golaha Guurtidu waxay Muddo Sanad iyo Todoba Bilooda ah u kordhiyeen Golaha Wakiilada.

4: 6/3/2017 Golaha Guurtidu waxay Muddo kordhin Laba Sanno ah u kordhiyeen Golaha Wakiilada.

Dadka arimaha geedi socodka Dimuquraadiyadda iyo Doorashooyinka S/land u ololeeya,waxay aaminsan yihiin in dabarka u wayn ee ku xidhnaa qabsoomida Doorashada Golaha Wakiilada uu ahaa Saami qaybsiga iyo Madaxwayne Siiraanyo qorshaha oo ayna ugu jirin in uu dalka ka qabto Doorashada Golaha Wakiilada,eedaa culus waxaa marag cad looga dhigayaa in aanu Madaxwayne Siiraanyo adeegsan Awooda sharciga iyo dastoorka dalku siiyay ee ku go”aan ka gaadhista Saami qaybsiga Golaha Wakiilada waxayna taasi cadaynaysaa in aanu gudan Madaxwayne Siiraanyo Waajibkii saarnaa siduu Madaxwayne Rayaale u gutay waajibkiisii Dastuuriga ahaa go”aana ka gaadhay Saami qaybsiga Golaha Wakiilada taasoo u suurto galisay in uu dalka S/land ka qabto Doorashadii Golaha Wakiilada, dabadiina lagu dhici waayo .

Mar kale,waxaa ayaan darro ah in dabarkii Saami qaybsiga ee ku xidhnaa Doorashada Golaha Wakiilada iyo Guurtida oo Laba Madaxwayne ee Xillka la kala wareegay aanay Xall u helin uu ku soo kordhay dabar kale oo ah in aanu Dalka S/land ka jirin Komishan Doorasho oo Kalsoonida Sadexda Xisbi Qaran haysta ka dib markuu Xisbiga Wadani u gudbiyay Madaxwayne Muuse Biixi qoraal uu kalsoonida kagala noqday Komishanka Doorashooyinka S/land .

Isku soo wada duuboo,Kalsooni kala noqoshada Xisbiga Mucaaradka Wadani ee Komishanka Doorashooyinka waxuu khilaaf iyo muran siyaasadeed oo hor leh ka dhex abuuray Xisbiga Mucaaradka ah ee Wadani iyo Madaxwaynaha S/land Muuse Biixi Cabdi oo ah Gudoomiyaha Xisbiga talada haya ee Kulmiye ayaa dhabada u xaadhaya in ay meesha ka baxdo rajadii laga qabay in Doorashada Golaha Wakiilada iyo Guuritdu dalka ka qabsoonto,waxaanay Bulshada S/land qarka u saaran tahay in ay quus ka qaadaan geedi socodkii Dimuquraadiyada iyo Doorashooyinka .

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here