Jaamacada ADMAS Oo Xaflad Kulmisay Masuuliyiin Ka Socday Itoobiya Iyo Somaliland dufcadii 9aad Oo Ka Qalin Jabiyay + SAWIRRO

0
925

Hargeysa, (HargeisaPress) —Dufcadii  9aad  ayaa maanta ka qalinjabiyey Jaamacada Admas ee Magaalada Hargeysa, waxaana ka qaybgalay Qalinjabinta Ardaydaasi Masuuliyiin ka kala socda dawladaha Somaliland iyo Ethiopia, waalidiin iyo martisharaf kale oo tiro badan.

Ardaydan tiradoodu dhan tahay 374-ka Arday ka qalinjabiyey Jaamacada Admas oo bartay culuumta todoba Kulliyadood oo ay jaamacada Admas bixiso oo ay ka mid yihiin Accounting-ka, ICT-ga, Management, Development Studies, Economics, Achitecher-ka, Project Planning,  Banking and Finance iyo kulliyado kale oo ay jaamacadu bixiso. 

Xafladdan loo qabtay Ardaydan ka qalinjabisay Jaamacada Admas oo si heer sare ah loo soo agaasimay, ayaa si weyn u soo jiidatay Indhaha ka qaybgalayaashii, martisharaftii iyo Masuuliyiintii ka kala socday Xukuumada, Xisbiyada Qaranka ee Kulmiye, Waddani iyo UCID, aqoonyahano, Salaadiin, Xildhibaano, Waalidiin iyo maamulka iyo Shaqaalaha Jaamacada Admas ee  a soo xaadiray madashaasi.

DAAWO SAWIRADDA XAFLADDA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here