Jaaliyadda Somaliland Ee Sucuudiga Oo Lacag Dhan $100,500 Ugu Deeqay Jidka Ceerigaabo, Soona Dhaweeyay Wasiirka Madaxtooyada + SAWIRRO

0
982

JAALIYADA SUCUUDIGAJedah,(HargeisaPress) — Haldoorka iyo Xilkaska Jaaliyadda Somaliland ee  Dalka Sucuudiga ayaa 30-kii July Munaasibad balaadhan ku soo dhaweeyay Wefti  uu hogaaminayay Wasiirka Madaxtooyada Somaliland oo ay ka mid ahaayeen Xildhibaan Cabdillahi Xuseen Cige (Blacky)  iyo Maareeyaha Haamaha Shidaalka Berbera Mudane Sulayman Siciid Cali.

Kulanka Jaaliyadda iyo Weftiga aya sidoo kale Qaadhaan loogu Ururiyay Wadada Ceerigaabo. Safiirka Somaliland ee  Saudi Arabia Mudane Abdallah Musa-Lule (Kuwayti)  oo Munaasibada ka hadlay ayaa Weftiga Wasiirka soo dhaweeyay waxaanu Wadada ugu yaboohay lacag dhan $20,000.

Intaa ka dib waxaa hadalkii lagu wareejiyey Mudanayaashii martida ahaa waxaana qaatay ereyga hore Xildhibaan Cabdullahi H. Cige (Blacky) oo aad ugu dheeraaday wax-qabadka Dalka iyo ahmiyadda ay leedahay dhismaha Waddada Ceerigaabo. Ka dib waxaa qaatay hadalkii Mareeyaha Haamaha Shidaalka Mudane Sulayman Siciid Cali oo isaguna $6000 oo dhiirri-gelina raaciyey hadalkiisii.

Waxaa kaloo eray marag-kaca halkaa ka sheegay Wakiilka JSL ee Makkah  Mudane Axmed Adan Dagaal (Safina) oo isna Gebabadii Shahaadad Sharaf Guddoonsiiyey Wasiirka Madaxtooyada.

Waxaa xusid mudan Ganacsade Cabdillah Carab oo ka wakiil ahaa koox aan is magacaabin oo Ganacsato Reer Somaliland ah oo eray gaaban ka jeediyey goobta kuna yaboohay lacagtii ugu badnayd halkaa lagaga yabooho oo dhammayd $50,000.

Gebagabadii waxaa hadalka soo gunaanaday Wasiirka Madaxtooyada Mudane Xirsi Cali X. Xasan oo erayo dadkii qiiro geliyey halkaa ka soo jeediyey.

Waxaana ka dib soo gunaanaday Sheekh Muse Carbooshe oo hadal waano, Duco & waxtar leh ka soo jeediyey.

Intaa ka dib waxaa furmay Tabarucii oo Gaadhay Lacag Dhan $100,500 (Boqol Kun & Shan boqol oo Dollar), kaas oo ahaa horraantii Qaadhaanka Waddooyinka Somaliland ee ay Jaaliyadda ku dhaqan Jiddah- KSA oo laga rajeynayo inay door weyn ka qaataan sidii looga bartay Reer Saudi Arabia.

Alla Mahad leh

Jaaliyadda SL ee Jiddah

Qaybta Warfaafinta (Media Group).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here