“Itoobiya waxay Qireen in Saraakiisha Ciidanka Qaranku kaga horeeyaan dhinaca Waxbarashada dhigooda Sudan, Itoobiya, Soomaaliya & Djibouti..” Taliye Taani

0
1329
Taliyaha ciidamada qaranka Somaliland, Sarreeye gaas Nuux Ismaaciil Taani

Hargeysa, (HargeisaPress) —Taliyaha ciidamada qaranka, sarreeye gaas Nuux Ismaaciil Taani ayaa shaaca ka qaaday in saraakiisha Ciidanka Qaranka ee wax ka barta jaamacadaha Itoobiya,  kaalinta koowaad ku jiraan, kagana horeeyaan dhigooda wadamadda kale.

Taliye Nuux oo maanta ka hadlayey munaasibad loo qabtay furitaanka barnaamijka Shaqo-Qaran loo bilaabayey arday tiradoodu gaadhaysay kun inamood oo dhamaysatay waxbarashadii heer jaamacadeed, oo Madaxweynaha JSL Md Muuse Biixi Cabdi goobjoog ka ahaa, oo tafaasiil ka bixinayey waayahii hore iyo fursadaha xilligan ayaa yidhi,

“Mudane Madaxweyne, dhalinyaradani manta halkan nabadgelyo ayey ku yimaadeen, la’aanteedna ma suurtowdeen, nabadgelyadaana rag baa u soo dhintay, oo u soo dedaalay, oo mudan in loo mahadceliyo. Raga halkan soo fadhiya oon ku jiro waa ragii sannadahii 50-kii waxbarashada bilaabay, nolosha wakhtigan iyo xilligaa hore farqi weyn ayaa u dhexeeya, nolol adag ayey wax ku soo barteen, maantana guryo laydhadh ka baxayaan ayey dhalinyaradani haystaan.

Mar uu ka hadlayey fursadaha iyo nasiibka maanta ay haystaan dhalinyarada loo bilaabayo shaqo-qaran iyo sidii wakhtigaa hore aanu u jirin ayaa yidhi,

“Wakhtigaa hore marka aanu waxbarashada dhamayno, Xamar taga ayaa la odhan jiray, aanad qofna ka aqoon, balse maanta dhalinyaradan waxay nasiib u heleen inay guryahoodii ilaa jaamacad ku dhamaysteen, xilligaa hore musuqmaasuqa ayaa badnaa, balse maanta si xalaal ah ayuu qofwalba ku helay waxii qalinkiisu u gooyey.’

Taliyaha ciidamada qaranka, sarreeye gaas Nuux Ismaaciil Taani ayaa shaaca ka qaaday in heerka waxbarasho ee dalkeenu yahay mid sarreeya jaararja, isla markaana ka markhaati-kaceen wadamada jaarkeenu, waxaanu yidhi, isagoo ka hadlayey,

“Dhowaan waxaan socdaal ku tegay dalka aynu jaarka nahay ee Itoobiya, waxaan booqasho ku tegay saddex kuliyadood oo saraakiil Ciidanka Qaranka ah wax ka bartaan, kuliyada Saraakiisha, oo 4 sarkaal Somaliland ah ku jiraan, waxay ii sheegeen madaxdii jaamacadu in sarkiisha Ciidanka Qaranku ay kaalinta koowaad ugu jiraan waxbarashada afartan sarkaal, oo wadamadda Sudan, Jabuuti, Soomaaliya, Itoobiya ka socda, una tartamayaan inay billada Dahabka qaataan afartooduba. Waxaan kaloo tegay kuliyad layli-sarkaal oo soddon arday reer Somaliland ku jiraan, isla markaana dhigtaan 430 qof, kaalinta saddexaad waxa u galay inan Somaliland ah. Waxay kaloo ii qireen in nidaamka waxbarashada Somaliland ka wanaagsan yahay ka Itoobiya, taasina waa qiritaan kaloo heerka aqoonta ardaydeena.

Taliye Nuux ayaa ka codsaday Madaxweynaha JSL Md Muuse, in madaxdii mustaqbalka Ciidanka Qaranka laga soo xulo dhalinyarada loo bilaabay shaqada qaranka, waxaanu yidhi,

“Md. Madaxweyne, maadaama annagu aanu muddo badan soo shaqeynaynay, waxa muhiim ah in Ciidanka Qaranku helo dhalinyaro & dhiig cusub oo lagu kaabo, ardayda halkan fadhida waxaanu doonayna in laga xusho saraakiisha mustaqbalka ciidamada hogaamin doona. Maanta jaararkeena markaynu eegno halka aynu marayno, iyo heerkooda waa kaaf & kala dheeri, Ilaahay loogu mahadceliyo, isla markaana ragii, shacabkii & madaxdii kaga dhabaysay gaadhitaankeedana, mahad in loo celiyo ayey mudan yihiin.

HargeisaPress.com/Hargaysa Office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here