Itoobiya iyo Eritrea Oo Si Rasmiya U Furay Xuduudka U Dhexeeya + SAWIRRO

0
1170

Baadhame , (HargeisaPress) —Dalalka Ethiopia iyo Eritrea  oo ay cadaawad ka dhaxaysay in ka badan 20 sanno balse waxay dib u fureen xadka u dhexeeya labada dal.

Madaxweyneyaasha Eritrea Isaias Afwerki iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa maanta si rasmi ah u daah furay xadka ku yaalla deegaanka Bure taaso ka qayb ah dadaallada nabadda ah ay wadaan.

Furitaanka xadka wuxuu Itoobiya fursad u siinaya inay isticmaasho dekedda Eritrea ee Assab.Xadka ku yaalla magaalada Zalambessa iyo waddo isku xiri doonto labada dal ayaa lagu wadaa in la furo.

Munaasabadda furitaanka xadka Eritrea iyo Itoobiya waxay kusoo beegmaysaa in xilli dalka Itoobiya ay ka socdaan xaflado lagu xusaya sannadka cusub ee dalkaasi.

Bishii July ayay ahayd markii madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ay gaareen heshiis ay kusoo afjaraayaan colaaddii ka dhexeeysay labada dal iyo inay xoojiyaan xiriirka diblumaasiyadeed.

Dadkii is jeclaa ee colaaddu labaatanka sano kala goysay ayaa maanta ku midoobay xadka Itoobiya iyo Eritrea.

Dadkii is jeclaa ee colaaddu labaatanka sano kala goysay ayaa maanta ku midoobay xadka Itoobiya iyo Eritrea.

Source: BBC

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here