Ila Wadaaga Tix Cusub Oo Aan Daawaha Ka Soo Qaaday. Tixda Magaceeda Waxa La Yidhaahdaa “Iscafiya”. Prof. Adam Ismail (aadanwali)

0
1097
Prof. Adam Ismail (Adan wali) PHOTO FILE

Wuxu yidhi IHN Cige Aw Cali “Adigiyo Cabdiba waxad tihiin ciriro waawayne, beel caafimaad seexataad caabuq gelisaane ….”

Waxan qabaa inay badanyihiin dadka abuuraya caabuqa iyo xumaanta, markaa waxan goostay bal inaan si too ah iyo si falsafad ahba dadka wax ugu sheego, dadkana ku dhiiriyo wanaaga, cibaadada iyo iscafinta.

Saaxiibkay Maxamud Adan Jaamac Galaal oo tix uu tirayay ay igu dhalisay fekerkan ayaan xoog u salaamayaa.

Ilaahay SWT ha inoo aqbalo ducadan, idina ku darsada oo dalka iyo dadkaba inoogu duceeya!!!

ISCAFIYA:

In cagaagu daranyahay nin caraancar maray baa og

In colaadu kulushahay nimuu cadow haleelaa og

Caafimaad wanaagiisna ninkii cudur la tiicaa og

Inuu daynku culusyaha ninkii lagu canaantaa og

In caruusku sharaf yahay ninkii loo camiraybaa og

Afartaa ma cayntaarinine cagaha maw joojay

Ma u diiday weedh ceebleh oo lagu cambaaroobo

Ma ciseeyay gabaygaad na tidhi calana maw taagay

Ma casuumay erayada cuddoon caynka maw jiiday

Ma cabbiray halkaan doonayay mana calaameeyay

Ma cashariyay ruuxii af-xumo igula ciir-ciiray

Afartaa ma cayntaarinine cagaha maw joojay

Cibaadada ninkii diida baa camalka shaydaan leh

Cadaab inuu mutaystiyo ciqaab caadilkaw qoraye

Cirka haadka duuliyo dhammaan kii carriga jooga

Inay calaf u simanyiin iyaba waa cibro adduune

Ceerriga badaa laga gurtaa duunyo kala cayna ah

Cambar nibiri kii hela iyo kii qori u soo caaryo

Midba calafka loo qoray ayuu kala carraabaaye

Afartaa ma cayntaarinine cagaha maw joojay

Caloolyowga dunidaa leh oo subaxba waa cayne

Midna way cajebisaa beryuu calan-waleeyaaye

Midna way ku ciirtaa ifkaa lagu ciqaabaaye

Labadaa rabbaa kala cugtoo caynku rabo yeela

Afartaa ma cayntaarinine cagaha maw joojay

Intaan ciida laynagu afrogin camalka aan badino

Dalka aan u wada ciidanee cadho la’aan taliya

Caroogii wanaagana tumoo ceeb inaga moosa

Cadli fala ciilkana ka kora qaran cunfi la’a taaga

Iscafiya calooshana ka jara xumo dhamaantiinba

Prof. Adam Ismail (aadanwali)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here