HRC: War-bixin Sannad Leh Oo Ku Talisay In Booliiska Somaliland Loo Sameeyo Hannaan Lagula Xisaabtami Karo

0
1449

Hargeysa, (HargeisaPress) —Xarunta Madaxa-bannaan ee Xuquuqal Insaanka Somaliland, ayaa soo saartay warbixinteeda sanadlaha ah oo ay sanadkan kaga warramayso xaaladda xuquuqul insaanka ee Somaliland.

Warbixintan oo uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka Guuleed Axmed Jaamac ayaa sanadkan si qotto dheer uga hadlaysa Booliska.

Warbixintan oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Wargeyska Himilo, ayaa waxa lagu bilaabay sidan, “Sanad kasta 9ka December, maalin ka hor Maalinta Caalamiga ah ee Xuquuqal Insaanka, waxa Xarunta Xuquuqal Insaanku ay soo saartaa warbixin sanad leh ah oo ay kaga hadlayso xaaladda xuquuqda aadanaha ee sanadkaas.

Ujeedadu waa in dareenka lagu soo jeediyo arrimaha xuququal insaanka ee jira isla markaana tallooyin la bixiyo.

Warbixinta sanadkan 2017 oo ka kooban lixdan bog waa mid ka dhallatay cilmi-baadhis laga sameeyey dhammaan gobollada dalka oo dhan iyada oo la wareystay dadka ay khuseyso isla-markaana la dersay qoraallo muhiim ah.

Warbixintu waxay ka hadlaysaa dhaqanka kakan ee booliiska oo weli u xidha dadka si aan waafaqsanayn shuruucda dalka u taal. Iyada oo aanu jirin xeer dhaqangal ah oo xannibaya awoodaha booliisku isticmaalo. Xaruntu waxay diiwangelisay sanadkan dhacdooyin badan oo booliisku uu geystay xad gudubyo.

Booliiska Somaliland ma laha oo kuma dhaqmo qoraalo qoran oo tilmaamaya habka iyo goorta uu isticmaali karo xabad, Dadka ay xidhaan waxay kula kacaan tacadiyo jidheed iyo kuwo aflagaado iyaga oo isticmaala marka ay dadka xidhayaan awood xad dhaaf ah, Dadka waxyeelada ka soo gaadhay gacanta booliiska waxa ka mid ah dad naftooda ku waayay iyo kuwo ku dhaawacmay.

Arrimaha booliiska la xidhiidha ee warbixintu ay ka hadlayso waxa ka mid ah:

  • Saldhigyada booliiska ee buux dhaafka ah oo ay aad u darran tahay xaaladooda nadaafad, cunto iyo caafimaad.
  • Xadhiga aan loo haysan waaranka maxkamadeed oo caado ka noqday Somaliland iyada oo garsoorku aanu ku samayn kor joogtayn booliiska si loo hubiyo inaan lagu tacadiyin xuquuqda dastuurka ku qoran.
  • Muddada rumaanka dadka lagu hayo oo aad u dheer.
  • Qareenada oo aan loo ogoleyn inay saldhigga dhexdiisa kula kulmaan dadka xidhan iyo inay talo ku dhex siiyaan;
  • Qareenada oo aan helin muddo ku filan oo ay difaaca ku diyaarsadaan.
  • Caddaymaha oo aan qareenada iyo dadka la soo eedeeyey la sii siin ka hor intaan dacwaddu bilaabmin si ay ugu heli karaan fursad ay iskaga difaacaan.
  • Inta badan dadka la soo eedeeyo qareeno ma laha.
  • Booliiska iyo ciidanka qaranka oo awood xad dhaaf ah isticmalaay mudaharaadyo dhacay doorashada kadib, 15 November 2017. Ugu yaraan afar qof way ku dhinteen sagaal kalena way ku dhaawacmeen mudaharaadyadaas.
  • Dad loo xidho dacwado maddani ah oo ay ka mid tahay deyn.

Arrimaha kale ee warbixintu ka hadashay waxa ka mid ah:

  • Tacadiyada loo geysto haweenka iyo hablaha ee ay ka mid yihiin kufsiga, garaacista, gudniinka.
  • Xuquuqda qabiilada laga tirada badan yahay.
  • U cago juglaynta dadka u dooda xuquuqda insaanka.
  • Xadhiga iyo dacwaynta siyaasiyiinta.
  • Xadhiga iyo dacwad ku oogista suxufiyiinta iyo sidoo kale xayiraadda goobo warbaahineed. Sanadkan, 2017, 27 suxufi ayaa la xidhay. Laba ka mid ah dacwad ayaa lagu soo oogay. Sidoo kale lix shabakadood ayaa la xayiray. Sanadkii hore ee 2016 waxa la xidhay 28 suxufi iyada oo la xayiray 2 wargeys.

Talo soo jeedin

Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay dawladda Somaliland kula talinaysaa:

  1. In la cidhib tiro takoorka iyo faquuqa lagu hayo qabiilada laga tiro baan yahay, lana siiyo adeegyo.
  2. In la cidhib tiro tacadiyada ka dhanka ah haweenka, lana ansixiyo xeerarka ilaalinaya haweenka iyo hablaha ee ay ka mid yihiin xeerka qoyska, xeer kufsiga;
  3. Inay samayso xeerka lagu cidhib tirayo gudniinka.
  4. Inay joojiso xeerka ciqaabta ee ay ku qaadayso suxufiyinta, Suxufiyiinta oo xeerka ciqaabta lagu qaadaa waxay ka soo  horjeedda dastuurka iyo Xeerka Saxaafadda, iyo sidoo xeerarka caalamiga ah, Xeerarka maddaniga ah iyo Xeerka Saxaafadda waa in lagu qaado arrimaha la xidhiidha warbaahinta.
  5. Inay ogolaato in la furi karo warbaahin cusub oo ay ka mid tahay idaacaduhu. Dawladdu waa inay u soo celiso hannaankii lagu diiwaangelin jiray warbaahinta cusub isla-markaana ay ogolaato in kuwa jira cid cusub lagu wareejin karo. Sidoo kale waa in xayiraadda laga qaado wargeysyada xayiran ee Haatuf, Somaliland Times, al Haatuf al Arabia, Hubsad iyo Codka Shacabka, iyo shabakadaha la xayiray.
  6. Inay dib u habayn ku samayso Booliiska Somaliland oo ay ka dhigto booliis ay dacwadihiisa qaadi karaan maxkamadaha caadiga ah iyo inay samayso hannaan booliiska lagula xisaabtami karo.
  7. Inay joojiso dadka loo xidhayo dacwadaha maddaniga ah.
  8. Inay joojiso xadhiga iyo haynta sharci darrada ah. Waa in xadhiga dadka loo raaco si waafaqsan dastuurka iyo xeerarka kale ee dalka u yaal.
  9. Inay haggaajiso xaaladaha saldhigyada booliska.

Guuleed Axmed Jaamac

Guddoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka (HRC)

Hargeysa, Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here