Hogaanka Waddani Oo Kulan Hordhac Ah La Yeeshay Masuuliyiin Xilal ka soo Qabtay Xukumadda Siilaanyo

0
841

Hargeysa, (HargeisaPress) — Kulan laba geesood ah oo ay Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo xubno ka tirsan hogaanka sare ee Xisbiga WADDANI ay si wada jir ah u yeesheen Wasiiro,agaasimayaal iyo guddoomiyeyaal miisaan culus hore ugu soo la haan jiray Xukuumada Siilaanyo ayaa ka dhacay Hotel Ambassador ee magaalada Hargeysa. Kulankan oo ahaa mid hadhimo sharafeed ah,ayaa waxaa si wayn uga dhex muuqday wasiirkii hore ee wasaarada arrimaha gudaha,wasiirkii hore ee wasaarada warfaafinta,wasiirkii hore ee wasaarada caafimaadka,wasiirkii hore ee boosaha iyo isgaadhsiinta,wasiirkii hore ee xidhiidhka gole-yaasha,agaasimihii hore ee wasaarada dib u dajinta Somaliland,guddoomiyihii hore ee gobalka togdheer iyo siyaasiyiin hore mug iyo miisaan culus ugu lahaan jiray Xisbiga KULMIYE.

Waxaana kulankan oo ay warbaahintu dibad joog ka ahayd ayaa u jeedadiisu ahayd mid loogu gogal xaadhayey munaasibad balaadhan oo loo samaynaayo siyaasiyiintan oo la filaayo in ay maal maha soo socda ay ku soo biiraan Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI,waxaana halkaasi lagu magacaabay gudi ka shaqayn doonta qaban qaabada munaasibad balaadhan oo loo qabanayo Siyaasiyiintan. Kulankan ayaa noqonaya kulankii ugu horeeyey ee madaxda Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI iyo Siyaasiyiintani ay si wada jir ah u yeeshaan,iyada oo ay muddooyinkii danbe ay siyaasiyiintani qorshaynaayeen sidii ay ugu biiri lahaayeen Xisbiga WADDANI.

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here