HARGEYSA: Boqor Buurmadow Oo Lagu Xukumay Shan Sanno Oo Xadhig Ah

0
871

Hargeysa,(HargeisaPress) —Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow oo kamida madaxdhaqameedka Somaliland kuwooda ugu caansan ayaa lagu xukumay shan sanno oo xadhiga, kaddib markii ay Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex maanta u fadhiisatay dacwad ka dhan ah.

Boqor Cismaan, ayaa waxa xukunkiisa loo maray Xeerka Ciqaabta Guud, waxaana lagu eeddeeyey Khiyaamo Qaran iyo been abuur madaxweyne.

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex Axmed Dalman Ismaaciil iyo Dacwad Oogaha Xeer-ilaalinta guud, ayaa Warbaahinta u akhriyey Qaraarka Xukunka Maxkamadda ka soo baxay.

Halkan hoose ka Daawo:

Boqor Buurmadow, ayaa waxa Ciidamada amaanka Somaliland xabsiga u taxaabeen todobaadkii la soo dhaafay, kaddib markii uu ku soo laabtay Magaalada Hargeysa.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here