Hargaysa: Wasiirka Gaashaandhiga Oo Booqday Taliska Ciidanka Qaranka

0
823

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Wasiirka wasaaradda gaashaandhiga   Somaliland   Cabdiqani Maxamuud Caateeye (Fariid), ayaa maanta kormeer ku tegay taliska guud ee ciidamadda qaranka ee magaaladda Hargaysa.

Wasiirka oo maalmihii u danbeeyey waday kormeer uu ku marayey talisyada ciidamada qaranka ayaa booqday xarunta taliska guud ee ciidanka qaranka.

Isagoo markii uu gaadhay salaan sharaf kaga qaatay cutubyo ka tirsan ciidamadda   qaranka jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaana si weyn goobtaasi ugu soo dhaweeyey Taliyaha ciidanka qaranka Sarreeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani, iyo hoggaanada kala duwan ee ciidanka qaranka iyo waliba saraakiisha kala duwan ee ku sugnayd xarunta Taliska guud ee ciidanka.

Wasiirka waxaa halkaas warbixin ku siiyay Abaanduulaha koowaad ee ciidanka qaranka Sarreeye Guuto Cabdirisaaq Siciid Bulaale,  oo madasha ku soo dhaweeyey wasiirka gaashaandhiga.

Waxaanu uga mahad naqay sida wanaagsan ee wasiirka wasaaradda gaashaandhigu uu u wado kormeerkiisan uu ku tagayo xarumaha, talisyada iyo fadhiisimaha kala duwan ee ciidanka qaranka.

Geesta kale waxa isna halkaasi ka hadlay taliyaha ciidanka qaranka Sarreeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani, waxaanu ku dheeraaday ahmiyada ay qaranka u leeyihiin ciidanka qaranku.

Taliye Taani, ayaa xusay in ay muhiim tahay in la dhiiri galiyo ciidanka oo ah kuwa ay shacabka Somaliland ku hurdaan waxa kale oo uu xusay in ka ciidan ahaan ay wasiirka wasaaradda gaashaandhiga ay uga mahad naqayaan sida wanaagsan ee uu u danaynayo xogogaal u noqoshada xaalada guud ee ciidanka.

Wasiirka wasaaradda gaashaandhiga   Cabdiqani Maxamuud Caateeye (Fariid), ayaa  sheegay in uu kormeerkani yahay mid uu ku dhiiri galinayo ciidanka qaranka.

Waxaanu deeq lacageed oo dhan $2,000 (Laba kun oo dollar) ah ku wareejiyey taliska guud ee ciidanka qaranka kaasi oo ugu talo galay in xoolo loogu qalo ciidanka qaranka ee ku sugan taliska guud ee ciidanka qaranka.

Dhinaca  kale kormeerkani wasiirka oo ahaa mid uu wasiirku ku marayey talisyada kala duwan ee ciidanka qaranka ayaa waxa uu maalintii dorraad tagay taliska qaybta 31aad ee ciidanka qaranka ee magaalada Hargeysa.

 

By: Khadar Cabdi Muuse

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here