Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka Somaliland oo Meesha ka Saaray Lacagta $80-ka Milyan ah ee Daynta Lagu Sheegay

0
1510
Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka Somaliland Md. Axmed Yuusuf Dirir

Hargeysa,(HargeisaPress) —Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Yuusuf Dirir, ayaa sheegay in xaqiiqo aanay waxba ka jirin lacagta daynta ah ee xaddigeedu dhan yahay $80-ka milyan ee doollar, taasoo la sheegay in Xukuumaddii Madaxweyne Silaanyo ay ku wareejisay Xukuumaddan Madaxweyne Muuse Biixi.

Hanti-dhawraha Guud oo hortegay Guddida Joogtada ah ee Golaha Guurtida Somaliland Maanta, waxa uu caddeeyey in aanay caqli-gal ahayn in lacag intaas le’eg oo dayn ah lagu yeesho dowladda Somaliland, waxaannu yidhi; “Aniga dayntan (maqalkeedu) waxa ay ii ahayd markii aan ka maqlay telefiishanka, wax kale oo aan ka ogaa ma jirto, waayo marka aad xiitaa caqliga ku miisaanto lacag $80 milyan oo doollar ah, dee mooye sida ay Hargeysa-ba u dhextaalo lacag $80 milyan ah oo dalalka ayaa (lacago intaas dhan) isku caawiya ama is-ammaahiya, laakiin gaar ayeyba ahaan lahayd haddii la odhan lahaa; “waxa aynu ka ammaahannay IMF oo kale.” Laakiin dowladdii (hore) ayaa ku wareejiysay (dayn dhan) $80 milyan (dowladdii dambe), waxa aan filayaa qoladan Guddida Ilaalinta iyo Dabo-galka Hantida Qaranka ee Golaha Wakiillada telefiishanka ayaan ka daawaday iyagoo sixitaan samaynaya oo leh; ‘wax ayaa naga khaldamay.’

Hanti-dhawraha Guud ee Somaliland, ayaa sidoo kale calaamatul su’aal saaray qaabka ay Guddida Dabo-galka iyo Ilaalinta Hantida Qaranka ee Golaha Wakiilladu u soo bandhigay tirada lacagta daynta ah.

“Markaa ma waxa ay u jeedeen 80 milyan oo Somaliland shillin ah? Ma waxay u jeedeen 80 bilyan oo SLSH ah? Ma $8 milyan? Laakiin waxa uu markiiba caqligu diiday lacag dhan $80 milyan oo doollar (oo dayn ah). Anigu markii aan habeenkii ka dhegaystay TV-ga, waxa aan la hadlay xubno ka mid ah (Guddida Wakiillada) oo aan ku idhi; “Waar waxani ma wax jira oo aanan ogayn baa? Kadibna waxay igu yidhaahdeen; “Waar way nala yara martay uune dib ayaannu u saxaynaa.” Markaa horta xaqiiqo ahaan ma jirto dayntaasi inta aannu annagu ognahay,” ayuu yidhi Hanti-dhawraha Guud ee Somaliland.

HargeisaPress News Desk- Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here