Haay’adda Shaqaalaha Somaliland Oo Wasaaradda Kasta Ku Wareejisay Qabyo Qoraalka Natiijadda Diwaan Galinta Shaqaalaha + SAWIRRO

0
860

Hargeysa , (HargeisaPress) —Hay’adda Shaqaalaha Dawladda oo maanta Wasaaraddaha iyo Hay’adaha Dawladda ku wareejisay qabyo-qoraalka natiijadii Diiwaangelinta Shaqaalaha Dawladda

Hay’adda shaqaalaha dawladda JSL oo mudooyinkii u dambeeyey gacanta ku haysay kala shaandhaynta xogtii laga soo ururiyey guud ahaanba shaqaalaha dalka ayaa maanta kulan balaadhan oo ay isugu yeedhay agaasimeyaasha guud iyo agaasime-waaxeedyada maamulka cudduda shaqaalaha ee  wasaaradaha iyo hay’addaha dawladda ku wareejisay wasaarad walba iyo xogtii shaqaalaheeda laga soo darsay si ay mid walba dib ugu  hubiso ugana soo falceliso.

Kulankan oo ahaa mid si heer saraysa loo soo agaasimay ayaa lagu soo bandhigay wasaarad walba iyo tirade looga soo diiwaangeliyey iyadoo bandhiga balaadhan-na  loo balaamay marka maalmaha ciidka laga soo noqdo hadii Eebo Idmo.

Gudoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda oo madasha ka hadlay ayaa xusay tacabkii muddada badan ay soo geliyeen in ay xogtan soo helaan isagoona xusay in ay maanta bilow tahay tayeyntoodiina.

Dhanka kale Gudoomiye Geelle ayaa madasha ka xusay in bandhigii ugu balaadhnaa ay qaban doonnaan maalmaha ciidka fidri laga soo laabto hadii Eedo idmo.

Ugu dambayn gudoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda ayaa sheegay in go’aamo iyo tababaro ka farcami doonnaan xogtan.

Geba-gabadii kulanka ayaa masuuliyiintii madasha ka soo qaybgelay bogaadiyeen hay’adda shaqaalaha dawladda iyaga oo xusay in ay kasoo falcelin doonnaan maalmaha so socda si xidhitaan rasmi ah loogu sameeyo.

Isku soo wada duuboo hawl-qabadkan oo ahaa midkii ugu cuslaa ee la fuliyo ayey bulshadu u dhag taagaysaa maalinta xidhitaanka iyo natiijada kasoo bixi doonta.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here