Guushada Waa Lala Jiraa-Gaar Haka Ahaanin- Dahabshiil.

0
1087

Soomaalidu waxay tidhaahdaa, “Nin aanad saacad ku baran, sannad kuma baratid” oo muujinaysa in dabeecad/ficil aad kala kulantid barashada koowaad qof, hadaad ku qiimayn kari weydid waxuu guddo ama gallo? Shaki la’aan, aanad ku barran doonin, haba kugu qaadato wakhti sannad gaadhayee!.

Haddaan u soo laabto, muhiimada maanta aan qalinka ugu qaatay maqaalkan cinwaankiisu yahay “Guushaada waa lala jiraa, ee gaar haka ahaanin, oo dhab ahaan, si dadban shaqsi iyo in ka badan oo bulsho ahba u tilmaamaysa, libbin ay leeyahiin, balse ka ilduufayaan, ku faankeeda & ka horjoogista hagardaamaynteeda.

Shucuub kastoo caalamka ku nool waxa loo nisbeeyaa libbin, qofkood ama koox ka mid ah gaadheen, kuna suntan hanashadooda, inta kale ku majeertaan,  sidaa si la mid ah, ummada Af Soomaaliga ku hadasha dunnida, waxa jira meelo badan oo guulo ay kaga horeeyaan inta kale ka gaadheen, mid ka mid ahna, hadaanay noqonayn ta koowaad waa astaanta shirkada DAHABSHIIL, oo xaqiiqdii abaalweyn daafaha caalamka loogu hayo hiilkooda, ajarkeeda Ilaahay ku abaalmarin doono Madaxdooda & hawlwadeenadooda-ba maalinteeda (Insha Alaah), ayaan hadii loo hollado asteynta waxtarka ay u leedahay ummada ku abtirsata iyo dunnida kale guud ahaan, midkeen ku adkaanaysa soo koobideeda, haddaba ma jiraan masuuliyado shaqsiyan ama ummad ahaan innagala gudboon u celinteeda, balse inta badan, (anniguna) ku daroo, ka gaabinay gudashadeeda.?

Is-xusuusintu, waa shey qaali ah, Ilaahayna Quraanka kariimka inbadan kaga hadlay, sidoo kale, haddaynu dib isu xusuusinno waxtarkii shirkada Dahabshiil, u hurtay ummada Soomaaliyeed sannadkii tegay, waxaynu dul mari karnaa;

Waxay shirkada Dahabshiil bulshada u ballanqaaday badhtamahii sannadkii tegay inay u hogaansami doonto go’aamo xukuumada Somaliland ka gaadhay la-dagaalanka sicir-bararka. Waxay shaacisay inay xoojinayso xidhiidhka wada shaqeyneed ee u dhexeeya Baanka Dhexe Somaliland (talaabo muhiim u ah xoojinta kala-dambaynta nidaamka xukuumada Somaliland, oo la’aantood culayso dhinacyo kala duwan keeni lahayd).

Waxay sannadkii hore dhaqaale gaadhayey boqol iyo labaanatn kun dollar oo raashin ah gaadhsiisay afartan kun oo qoys oo ku baro-kacay  dhibaatooyin daadad ku fatahay webiyada gobol ka mid ah Soomaaliya.

Waxay u suurtagelisay 27 adray Soomaali ah inay waxbarasho sare ugu tagaan jaamacadaha ugu waaweyn dalka Ingiriiska, isla markaana Maareeyaha Guud ee shirkadu Cabdirashiid ku ballanqaaday inay shirkadooda ka go’an tahay taageerida dhalinyarada sidii ay u gaadhi lahaayeen yoolkooda tacliimeed.

Shirkadaha Dahabshiil Group, waxay kaalin muuqata ka qaateen bandhiga Carwadii 8-aad ee Ganacsiga Somaliland oo sannadkii tegay  Madaxweynaha JSL Muuse Biixi ka furay Huteel Guuleed ee magaalada Hargeysa, taasoo shirkadu ugu samaysay  qiimo-dhimis mudadii ay socotay macaamiishooda adeegyada kala duwan ee ay bixiyaan, isla markaana gebagebadii abaalmarin lagu maamuusay kaalintoodii lagu gudoonsiiyey.

Shirkadaha Dahabshiil waxay sannadkii labaad xidhiidh ah maalgelisay qabsoomidiisa tartanka orodka Somaliland Marathon, oo orodyahano gaadhayey boqolaal ka kala socday gobolada dalka iyo caalamku ka qeybgaleen, kana dhignayd talaabo loo qaaday sare u qaadka sumcada iyo nabadgelyada (Ilaahay baa ku mahad lehe), dalkeena, lana falgelaysa tiraab hore abwaan u yidhi, “dalba waxa leh kii-hee dhista ee ku dhaata.

Haddaynu milicsanay halbowlaha shirkada Dahabshiil u tahay ummada Soomaaliyeed, inkaloo badan Idamka Alle mustaqbalka ka saadaalinayno, waxa mudan inay bulshadu ilaashato, ku dhaadato, kuna sifowdo “Guushaada waa lala jiraa-ee gaar haka ahaanin.

Maxamuud Cali Sh Maxamed (Walaaleye).

LEAVE A REPLY