Gudoomiyihii Hay’adda Maamul Wanaaga Iyo La Dagaalanka Musuqmaasuqa Ee Somaliland oo Iska Casilay Xilkaasi.

0
1712
Chairman of Somaliland Good Governance and Anti-Corruption Commission Mr. Ahmed Mohummed Madar

Hargeysa, (HargeisaPress) —Gudoomiye Madar ma sheegin sababta iscasilaadiisa, hase yeeshee, sida ay sheegeen warar ku dhaw dhaw qasriga madaxtooyadu, Mudane Madar waxa uu ka mid ahaa saraakiishii xukuumadda ka tirsanayd ee uu madaxweynaha Somaliland u saaray inay wax ka qabtaan musuqmaasuq la sheegay inuu dhici karo xilliga kala guurka ee ka hadhay doorashada madaxweynaha ee Somaliland ee bisha November ee sannadkani.

Waxaanu warku intaasi ku daray inuu Mudane Madar ku sababeeyey iscasilaadiisa, in muddadii ay xukuumaddu jirtay hay’adoodu gacmaha ka xidhnayd, isla markaana waxba lala qaban waayay, halka xilligani oo ay muddadii xukuumadda ka hadhsantahay in ka yar lix bilood shaqo badan loo direy.

Guddoomiyihii Hay’adda Maamul Wanaagga iyo la dagaalanka Musuq-maasuqa Xukuumadda Kulmiye Axmed Muxumed Madar wuxuu ka mid ahaa aasaasayaashii xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE, isla markaana waxa uu ka mid ahaa dadka ay iskugu dhaw yihiin Madaxweyne Silaanyo.

Sidoo kale waxa uu Mudane Madar ka mid ahaa dhalinyaradii ururkii UFFO oo hawlo mutadawacnimo ah kaga shaqaynayay cusbitaalka guud ee Hargeysa sannadkii 1982-kii, balse ay xukuumaddii xilligaasi xabsiga dhigtey dilna ku xukuntay.

Haddaba iscasilaadani Gudoomiyaha hay’adda la dagaalanka musuqmaasuqa ayaa noqonaysa mid saamayn aan wanaagsanayn ku yeelata xukuumadda iyo xisbil xaakimkaba xilligani kala guurka.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here