Guddoomiye Ku-Xigeenka UCID Wuu La Ambaday Dacwadda Wasiirka Shaqo-gelinta” Siciid Maxamuud Gahayr

0
1487

Waxa aan daawaday Guddoomiye ku-xigeenka Kowaad Ee Xisbiga UCID Cabdinaasir Muxumed Xasan (Buuni) oo shalay (30kii Disember 2018ka) u warramaya Suxufi Faysal Maxamed Aadan (Fiifa) oo ka tirsan Somalicable, waxaanu kaga halceliyay weedho ay yidhaahdeen wasiirro ka tirsan xukuumadda Somaliland. Masuulkani waxa uu hormood u yahay dadkii sababay in Xisbiga UCID uu 4% ka helo doorashadii 2017ka, waxaana lagu magacaabay shir 7-8 Nofember 2016ka uu UCID ku qabsaday Hargeysa.

Si ku-meelgaadh ah waxa uu u buuxinayaa jagadii Marxuun Aadan Jaamac Hoori oo aanu 5tii Jeneweri 2012ka u doorannay xilka uu ninkani dirashada ku hayo ee aan loo dooran. 7dii Disember 2015ka ayuu ku geeriyooday dalka Imaaraadka Carabta Eebbe godka ha u nuuro. Dhanka kale waxa aan ogaa Cabdinaasir Muxumed Xasan-Buuni oo 2015kii lagu eedeeyay in uu dhaqaale u ururiyo jabhado qas ka wada Bariga Afrika, madaxiisana lacag ayaa la dul dhigay. Ma jecli inaan boogtaas hoos u qodo. Malaha si uu shaambaddaas isaga tiro ayuu gabbood uga dhiganayaa UCID.

Mawduucyada uu ka hadlay waxa ka mid ahaa in Wasiirka Wasaaradda Shaqo-gelinta iyo Arrimaha Bulshada Somaliland Marwo Hinda Jaamac Xirsi, isaga oo ku eedeeyay “Inay ku orod badan tahay xisbiyada mucaaridka iyo saxaafadda”. Cabdinaasir-yare waxa aan u sheegi in Wasiirku ay hayso mansab siyaasi ah oo ka tirsan xukuumadda oo ka dhalatay Xisbiga KULMIYE, sidaas awgeed waxa ay xaq u leedahay in ay ka falceliso eedaha loo jeediyo xukuumadda iyo xisbiga ay ka tirsan tahay.

Marar badan waxa uu Guddoomiye-ku-xigeenku adeegsaday “wasiiradda”, halkaas waxa aan ka dareemay in Guddoomiye-ku-xigeenku uu u baahan yahay casharro dheeraad ah oo la xidhiidha dhismaha afka (Naxwe) Haddii aan halkaasna saxo, waxa jira magacyo lab ah oo aan dheddigoobin. Waana xeer ay afafka dunidu isku waafaqsan yihiin.

Waxaana ka mid ah magacyadaas:
Chairman: Guddoomiye
Minster: Wasiir
Spokesman: Af-hayeen
Mankind: Aadame

Waan ka xumahay in uu kufsado naxwihii hadalka. Haddiiba uu warcelin lahaa isaga oo wasiir leh, wax waa aan ka garan lahaa. Isaga oo weecinaya mansabka, ayuu haddana la gole yimi weerar, faan iyo duridda qof dumar ah. Guddoomiye ku-xigeenku wuu ku soo habaabay weedhaha uu jeediyay dhaqan ahaan mar kale. Lama arki jirin xitaa fagaaraha siyaasadda nin haweenay wax ka sheegaya. Waxa aan xaal siinayaa Marwo Xaliimo Cismaan Raage Guddoomiyaha Garabka Haweenka UCID oo jawaab-celintaas xaq u lahayd.

Madasha ay Wasiir Hinda Jaamac Gaanni ka hadashay waxa ay ahayd Shirweyinihii Saxaafadda Qaranka, waxaanay jeedisay hadal toosin ah oo ku saabsan wararka la geliyo warbaahinta. Ma ay sheegin in suxuyiintu xumo ay ka shaqeeyaan, laakiin gudbinta hadallada dadka qaarkood sida kuwa qarannimada wax u dhimaya ayay soo-jeedisay. Mar haddii shirku ku saabsanaa saxaafadda, waxa ay tebisay dardaarankeedii ay warbaahinta fari lahayd.

Guud ahaanna saxaafaddu waa tiirka afraad ee qaranka. Sharciga iyo xeerkuna ma dhigi karo in la caayo ama lagu xadgudbo. Haddiiba ay saxaafaddu wax ka tirsato wasiirka, waxa hadli lahaa Ururka SOLJA. Mar kale waan ka xumay in Guddoomiye ku-xigeenka jujuubka ah ee UCID kugu filnaan waayo oo aad iska dhigto Af-hayeenka SOLJA.

Weedhaha Cabdinaasir Buuni waxa ka mid ahaa “Waxa aan u aragnaa ayaan darro inaad cimri-dherer kursiga kaga dhigato cayda saxaafadda iyo axsaabta qaranka”. Ma filayo in uu jiro qof dooni kara in uu xil ku hayo naxli iyo nashuushad. Wasiirka waxa lagu xushay kartideeda, waxaanay xilka ku hayn doontaa waxqabadkeeda inta Eebbe qaddaro. Indhahaagu ma arkayaan in Wasiir Hinda Jaamac ay ka mid tahay foolaadka golaha xukuumadda.

Waxa kale oo Cabdinaasir Buuni yidhi “Golihii wakiillada ee ku ansixiyay, waxa aanu u keenaynnaa mooshin in adiga maamuuska lagaaga xayuubinayo”. Halkaasna waxa uu ku gefay Golaha Wakiillada. Golaha Wakiilladu waxa ay xil-ka-qaadis ku sameeyaan Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa, uma codeeyaan in Wasiir xilka laga qaado. Wasiirka waxa la xisaabtama madaxweynaha magacaabay. Waxa aan leeyahay sidee ayaad mooshin u geyn kartaa gole aanu fadhiyin hal Xildhibaan oo UCID ahi?.

Waad la ambatay dacwadda aad sheegtay inaad Wasiirka Shaqo-gelinta ka geyn doontaan Golaha Wakiillada. Haddii aan in uun u garaabi lahaa Cabdinaasir Muxumed Xasan (Buuni), marka aad siyaasadda ka soo gasho daaqad, waxa macquul ah inaad faamallaydhka ka baxdo.

Siciid Maxamuud Gahayr

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here