Guddoomiye ku-xigeenka KULMIYE Iyo Wafti Uu Hoggaaminayo Oo Kormeeray Goobaha Kaadh-bixinta Ee Magaalada Berbera + SAWIRRO

0
1760

Hargeysa, (HargeisaPress) —Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axmed iyo wafti ballaadhan oo uu hoggaaminayo, ayaa maanta kormeer indho-indhayn ah kusoo maray goobaha ay ka socoto bixinta kaadhadhka codbixiayaasha ee gudaha magaalada Berbera.

Waftiga uu guddoomiye Maxamed Kaahin hoggaaminayey oo ay xubno ka ahaayeen guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga Mudane Axmed Cabdi Dheere, guddoomiyeyaasha heer gobol iyo heer degmo ee xisbiga KULMIYE u qaabilsan gobolka Saaxil, saraakiisha xisbiga kala shaqaysa dhinaca Komishanka doorashooyinka qaranka iyo xubno kale ayaa u guurgalay sida ay u socoto bixinta kaadhadhka codbixintu iyo weliba caqabadaha ku gedaaman.

Waftigani waxa ay soo mareen goobo badan oo ku yaalla gudaha magaalada Berbera oo ay kamid ahaayeen 26-ka June, Daaroole, Barwaaqo, Jaamalaaye, Cumar Binu Khaddaab, Saaxil, Burco sheikh iyo weliba Fiinlaanta, waxana ay indhahooda kusoo arkeen shacabkii is-diiwaangeliyey oo qaadanaya kaadhadhkii ay doorashada soo socota kaga qayb geli lahaayeen.

Xubno ay kamid yihiin saraakiisha xisbiga ee gobolka Saaxil oo iyaguna halkaas ka hadlay, ayaa reer Berbera iyo guud ahaan shacabka gobolka Saaxil farriin u diray, waxana ay ku dhiirriyeen inay si habsami leh kaadhadhka u qaataan.

kulanka waxa warbaahinta faahfaahin kooban siiyey guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ee gobolka Saaxil Md. Yuusuf Axmed Maxamed (Halac Dubad-dhegoole), waxana uu muujiyey dareenka xisbigu ka qabo gaabiska ay qaadashada kaadhadhku ku socoto, isaga oo komishanka doorashooyinkana baaq u diray, waxana uu yidhi, “Waxanu wadnaa wacyigelintii aanu hogaanka xisbiga kula soconay ee aanu ku kormeeraynay magaalada, waxana ay hoggaanka halkaas ka arkeen in dadku yar yahay, komishankana waxanu usoo jeedinaynaa in waqtigu yar yahay oo dadkii ay yar yihiin, waxana aanu ka codsanaynaa in muddo kooban lagu daro.”

Ugu dambayntii guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axmed oo halkaas ka hadlay, ayaa si cad u sheegay inaanay xisbi ahaan wadin wax olole ah, balse ay ku hawllan yihiin sidii ay bushada ugu dhiirrgelin lahaayeen qaadashada kaadhadhka codbixinta, isaga oo xusay inay xisbi ahaan qabadaha jira u gudbin doonaan komishanka doorashooyinka qaranka, waxana uu yidhi, “Wacyigelin weyn bay ka qaateen maamulka gobolku qaadashada kaadhadhka, imikana ma socoto olole siyaasadeed oo dadka cod lagaga doonayaa, laakiin xisbi ahaan waxa kaliya ee aanu dadka kala qaybgelaynaa waa inaanu nidhaahno kaadhadhka qaata, duruufaha adage e jirana waa laga wada socdaa xisbiyada iyo komishanka, anaguna inta nagaga beegan komishanka waanu wargelinaynaa.”

Guddoomiyuhu waxa uu baaq u diray shacabka ku dhaqanka gobolka Saaxil iyo degmooyinkiisa, waxana uu ugu baaqay inay si midaysan u qaataan kaadhadhka codbixinta, waxana uu ku tilmaamay fursad aan mar dambe soo laaban doonin haddii imika laga faa’iidaysan waayo, “Dadweynaha gobolka Saaxil guud ahaan, gaar ahaan magaalo madaxda waxanu ugu baaqaynaa oo aanu leenahay waa fursad aad u qaali ah oo laga yaabo qofka maanta kaadhka qaataa uu codka ku bixin doono, muddo ay soo noqon doontana la garan maayee kaadhka halla qaato oo halla kaco, komishankana waxaynu uga baahanahay inuu qiimayn sameeyo,” ayuu yidhi Maxamed Kaahin Axmed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here