Guddoomiyaha Maxkamadda Maroodi-jeex Oo Faahfaahiyey Xukun Adag Oo Uu Ku Riday 21 Jir Faro-xumeeyay Gabadh 6 Jir Ah

0
1693
Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex Axmed Dalmar Ismaaciil

Hargeysa,(HargeisaPress) —Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex Axmed Dalmar Ismaaciil, ayaa faahfaahin ka bixiyey Xukun uu ku riday Nin 21 Sano jir ah oo Dhawaan kufsi kula kacay Gabadh yar oo Lix sano jir ah.

Guddoomiye Dalmar oo u warramay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA, ayaa sheegay inuu Ninkaa Gabadha yar kufsaday uu ku xukumay 9 Sanadood oo xadhiga ah, ka dib markii buu yidhi Markhaatiyo ku caddeeyeen inuu falkaa foosha xun geystay, illaa uu muddadaa dhamaysanayana aanu jeelka ka baxayn.

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Nin 21 Jir ah ayaa kufsaday inan yar oo Lix jir ah oo ay jaar ahaayeen, isagu muu qiran Kufsiga, laakiin Markhaatiyo ayaa ku furay (inuu kufsaday), Dhakhtarka weyn baan u diray, Xaashidii Dhakhtarka ayaan u tix-raacay (Xukunka).”

Guddoomiyaha Maxkamaddu wuxuu sheegay in Ehelada Ninka la xukumay sheegeen inuu Maskaxda ka xanuunsanayo, balse Cisbitaalka oo ay u direen u xaqiijiyey inuu Caafimaad qabo “Ehelada eedaysanuhu waxay ku cawdeen inuu waalan yahay (Ninka Kufsiga geystay), laakiin Dhakhtarka ayaanu u dirnay, waxaanu dhakhtarku noo soo xaqiijiyey inuu Caafimaad qabo, sidaas ayaa Maxkamaddu xukunka ku soo saartay, waxaanuna ku xukunnay 9 Sannadood” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray in Gabadha yar ay dhaawacyo soo gaadheen markii Ninku kufsanayey “Kufsi keliya maaha ee dhaawac baa soo gaadhay (Inanta yar). Nabarradii soo gaadhay xilligii uu kufsigu dhacayey marka la xaqo Geel baa loogu beddelayaa oo waa laga qaadayaa, illaa uu bixiyana ma baxayo, Sagaalka Sannadoodna wuu dhamaysanayaa oo waa Ciqaabtii Dawladda.”

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here