Guddoomiyaha KULMIYE oo ka Qaybgalay Kulan Ballaadhan oo Haweenwaynaha degmada Axmed Dhagax ku Taageereen Xisbiga + SAWIRRO

0
1345

Hargeysa, (HargeisaPress) — Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qaybgalay kulan ballaadhan oo haweenwaynaha degmada Axmed Dhagax ee caasimadda Hargeysa taageero ugu muujiyeen xisbal-xaakimka Somaliland iyo sidii ay hoggaaminta dalka ugu dooran lahaayeen murrashaxiisa.

Kulanka oo ka qabsoomay hoolka shirarka xarunta dhexe ee xisbiga KULMIYE ee magaalada Hargeysa maanta, waxa ka sakow Guddoomiyaha xisbiga ka qaybgalay Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee KULMIYE Md. Axmed Cabdi-dheere, Wasiirrada Wasaaradaha Qorshaynta Qaranka iyo Beeraha – Maxamed Ibraahim Aadan (Qabyo-tire) iyo Maxamed Aw Daahir, Guddoomiyaha iyo Ku-xigeenka Garabka Haweenka Heer Qaran, masuuliyiin ka socday qaar ka mid ah laamaha xisbiga ee degmooyinka caasimadda iyo haween fara badan.

Xubno u hadlayey haweenka oo khubado ka jeediyey madashu ayaa isku raacay in ay taageero hiil iyo hooba ah la barbartaagan yihiin xisbiga KULMIYE iyo murrashaxiisa Madaxweynaha Md. Muuse Biixi oo ay ka soo wada jeedaan Gobolka Hawd, isla markaana iyagoo horeba dadaal iyo xoog badan u galiyey xisbiga KULMIYE aanay jirin meel kale oo ay kaga doorsadaan.

Masuuliyiinta xisbiga KULMIYE iyo wasiirrada ka qaybgalay kulanka, ayaa iyaguna si diiran u soo dhaweeyey haweenka oo ay ku tilmaameen inay yihiin miisaan culus oo muhiimad wayn u leh baaxadda taageerada xisbiga KULMIYE, waxaanay uga mahadceliyeen ballanqaadka taageerada xoogga iyo xoolahaba leh ee ay u sameeyeen xisbiga iyo murrashaxiisaba.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here