Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Somaliland Oo Fasaxay Maalinta Sabtidda Shaqaalaha Dawladda Oo Ku Beegan Xuska Maalintii Nebi Muxamed (Nnkh) La Dheelmiyey

0
851
Sharmaarke Geelle Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda JSL PHOTO FILE

Hargeysa,(HargeisaPress) —Guddoomiyaha Haay’adda shaqaalaha dawlada somaliland Mudane Sharmaake Axmed Muxumed Geelle Ayaa sheegay in Maalinta Sabtida Ah Fasax Yihiin Shaqaale Waynaha somaliland iyadda oo ay ku beegan tahay Maalintii Nabi Muxumed La Dheelmiyay.

Warsaxaafadeed Uu Soo Saaray Guddoomiyaha Haay’adda Shaqaalahu Oo Nuqul Ka Mid Ahi soo gaadhay xafiiska Shabakadda Wararka ee HargeisaPress ayaa waxa uu u dhignaa sidan.

Iyada oo Maalinta beri ah ee taariikhdu tahay 27/Rajab/1439 kuna beegan 14/04/2018 ay tahay maalintii Nebigeenii NNKH loo dheelmiyey Sammada si uu Alle SWT ula soo kulmo.

Haay’adda shaqaalaha dawlada Somaliland

Guddida Hay’adda shaqaalaha dawladdu iyaga oo qiimaynayaa maalintaa boqran isla markaana ka warqaba in ay kamid tahay fasax sanadeedka shaqaalaha dawladda, waxa ay shaqaalaha dawladda ku wargelinaysaa in maalinta Sabtida ah taariikhduna tahay 14/04/2018 ay noqon doonto maalin fasax oo shaqaalaha dawladdu ka nasan doonaan shaqadii maalin-laha ahayd

Maalintan oo ku beegan beri oo Jimce ah ayaa fasaxa loogu riixay maalinta Sabtida maadama Jimcuhu aanu kamid ahayn maalmaha shaqo.

Shaqaalaha Dawladda meel ay jooganba Waxaan u rajaynayaa Cizi, Cibaado iyo Caafimaad waxaanan Alle uga baryayaa bashbash iyo badhaadhe,

 

Sharmaarke Axmed Muxumed Geelle

 Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda JSL

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here