Golaha Wakiiladda Oo Digniin U Diray Cid Kastoo Si Aan Sax Ahayn U Dhaliisha Xeerka Booliska

0
861
Golaha Wakiilada Somaliland PHOTO FILE

Hargaysa, (HargeisaPress) –Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa uga digay cid kastoo sifo aan sharci ahayn u dhaliisha xeerka booliska ee Xeer Lr.63/2018-ka, taasoo ay ka dhalan  karaan  xad-gudub iyo dunuub culus.

Xeerka booliska oo uu golaha u soo gudbiyay madaxweynaha Somaliland si kaabis iyo wax ka bedel loogu sameeyo, ayaa golaha Wakiiladu cod ku ansixiyay qodobbadii xukuumadda ka soo noqday.

 

Sidaasina  waxaa lagu sheegay war qoraal ah oo ay  soo saareen golaha Wakiiladu oo  nuqul ka mida uu soo gaadhay  shebekadda  Hargeisa Press, kaasoo  lagu faahfaahiyay nuxurka xeerkaasi iyo qodobadda ku jiraa in ay ka farcameen dastuurta Somaliland.

Warkaasina  waxa uu  u dhignaa sidan:  “Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland wuxuu golaha Wakiillada u soo gudbiyay soo-jeedin ah wax ka beddel iyo kaabis la xidhiidha xeerka booliiska Xeer.Lr.63/2018. Sidaa daraaddeed, golaha Wakiillada JSL isagoo gudanaya waajibaadkiisa dastuuriga ah wuxuu dood ka yeeshay soo-jeedimaha xukuumaddu soo gudbisay si waafaqsan hab-raacyada sharci-dejineed ee dastuurka iyo xeer –hoosaadka golaha Xeer.Lr.12/2014, goluhu wuxuu cod ku ansixiyay qodobbadii xukuumadda ka soo noqday.

Xeerka booliisku wuxuu xambaarsan yahay ahmiyad sharci maaddaama oo uu si toos ah uga farcamayo qodobka 124aad ee dastuurka JSL oo jidaynaya waajibaadka ciidanka booliiska iyo qaab-dhismeedkoodaba in xeer gaar ah lagu faah-faahiyo.

Xeerka booliisku wuxuu la jaan-qaadayaa oo uu waafaqsan yahay baaqa caalamiga ah ee ilaalinta xuquuqda aadamaha (Universal Declarations of Human Right) iyo heshiiska caalamiga ah ee ilaalinta xuquuqaha madaniga ah iyo kuwa siyaasiga ah (International Covenant on Civil and Political Rights).

Haddaba, annagoo ka duulayna dhaliisha loo soo jeediyay nuxurka xeerka. Waxaannu  go’aansannay in aanu bulshada u caddayno in xeerka booliisku leeyahay ahmiyad weyn iyo wafaqsanaan dastuuri ah oo kor loogu qaadayo ilaalinta xuquuqda muwadiniinta.

Sidaa daraaddeed, waxaannu ka digaynaa cid kastoo sifo aan sharci ahayn u dhaliishay isla markaana gaysatay xad-gudub weyn oo ka dhan ah waajibaadka dastuuriga ah ee golaha Wakiilladda JSL oo oo ay ka dhalan karto danbiyo culus.

Golaha Wakiilladu wuxuu iftiiminayaa qodobka 14aad ee xeerku wuxuu booliiska ku waajibiniyaa ilaalinta nafta, maalka iyo xorriyaadka aas-aasiga ah ee muwaadiniinta, sidoo kale xeerku sida waafaqsan qodobka 16 (3aad) wuxuu booliiska ka reebayaa in uu u adeegsado xabad nool qof ama koox aan hubaysnayn.

Ciidammada booliisku waxay qayb ka yihiin ciidamada qaranka si waafaqsan xubinta 4aad ee dastuurka JSL, sidaa daraddeed, fal-dambiyeedyada ay galaan xubnaha booliisku waxaa lagu qaadayaa maxkamada ciidammada sida waafaqsan qodobka 104 (1aad) ee dastuurka JSL.

Xeerka booliisku isagoo ka duulaya dastuurka wuxuu jideeyay in fal-dambiyeedyada dacwadaha ciqaabta ah ee ay galaan ciidanka boooliiska in loo gudbiyo maxkamadda ciidammada.

Karaamada iyo haybadda dastuuriga ah ee golaha Wakiilladu waa mid dhawrsoon. Waxaana  reebban in kooxo iyo dad gaar ahi caadayastaan meel ka dhac ka dhan ah karaamada iyo haybadda dastuuriga ah ee golaha.  cid  kastoo falka noocaas ah ku kacdana waxaanu hay’adaha ay khusayso u soo jeedinaynaa in ay tallaabo sharci ah ka qaaddo.

Waxaa reebban in nuxurka xeerarka si aan sax ahayn loo fasiro bulshadana lagu jaah-wareeriyo, cid kastoo falka noocaas ah ku kacdana waxaannu hay’adaha ay khusayso u soo jeedinaynaa in ay tallaabo sharci ah ka qaaddo.

Waxaannu war-baahinta madaxa-bannaan iyo bulshadaba la socodsiinaynaa in ay xogta rasmiga ah ee la xidhiidha nuxurka xeerarka kala xidhiidhaan golaha Wakiillada JSL, isla markaana xogta xeerarka la xidhiidha aanay ku jaan-goyn cid kastoo caadaysatay wararka been abuurka ah ee aan sharciga waafaqsanayn.

Geba-gabadii, golaha Wakiilladu waa hay’ad xambaarsan karaamada iyo awoodda shacabka ee dastuurku u gaaryeelay shacabka, sidaa daraaddeed, waxaannu mar labaad ka digaynaa in wajibaadka dastuuriga ah ee golaha lagu xad-gudbo”.

Xafiiska Warbaahinta iyo xidhiidhka dadweynaha ee golaha Wakiilada JSL.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here