Soomaaliya: Golaha Shacabka Oo Aqlabiyad Ku Ansixiyay Xeerka Baatroolka

0
823

Muqdisho (Hargeisa Press.com): Golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyay  xeerka baatroolka dalka, kaasoo maalmihii la soo dhaafay uu goluhu dood ka yeeshay.

Xeerkan maanta la ansixiyay oo muddo sanad ah hor yaalay golahaasi, ayaa muran badan dhaliyay iyadoo maamul goboleedyadda dalka Soomaaliya ay ka soo hor jeedaan xeerkaasi.

Fadhigan maanta oo uu shir-guddoominayay guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha shacabka Soomaaliya  Cabdiweli Ibraahim Muudey, waxaa joogay 154 mudane.

Markii codka cagan taaga loo qaaday xeerkaasi  waxaa diiday 4 xildhibaan, cid ka aamustayna ma jirin, waxaana ogolaaday 150 xildhibaan, sidaas ayaanu xeerkaasi ku ansaxay.

Afarta xildhibaan ee diiday ansixinta sharcigaas waxaa ka mid ahaa Xildhibaan Guuleed Caydaruus Cige, oo fadhigii baarlamaanka hadal ka jeediyay ka hor intii aan xeerka la ansixinin ayaa ka digay cawaaqibka ka dhalan kara xeerkan iyadoo aan heshiis lala gaadhin Somaliland.

“Qaraarkii aynu halkan ku meel marinay, ee ahaa heshiiskii ay dawlad goboleedyadu gaadheen, oo shanta maamulba joogeen. Waxaan in badan is-waydiinayay xildhibaanadda golaha-na doonayo in aan la wadaago, xildhibaanadda reer Somaliland ee ku jira golahan ma awoodaan in ay dhegaysi dadweyne ka sameeyaan dhulkoodii, oo waad og tihiin xaqiiqadda dhabta ah ee ka dhex jirta golaha.

Haddii aanay kari Karin in ay dhegaysi dadweyne sameeyaan, haddii aanay Somaliland isku aqoonsanayn dawlad goboleed, anagu-na (xildhibaanadda) aanaan u aqoonsanayn dawlad goboleed, oo aanay qayb ka ahayn saxeexii khayraad qaybsiga ama Baatroolka.

Somaliland wax walba iyadoo ka maqan wax walba aynu sharci ka dhigno, oo aanu dastuurku ogolayn in uu dhamaystirmo, bacdamaa loo baahan yahay noloshu in ay wanaagsanaato” ayuu yidhi xildhibaan Guuleed Caydaruus.

Isagoo hadalka sii watayna waxa uu yidhi “Hadda-na haday timaado in Baatroolka iyo shuruucda noocan ahi in ay meel maraan, waxay la mid noqon doontaa qaraarkii DP World  ee aynu sii daynay oo kale, ee aan golaheena dhaafsiisnayn.

Kolkaa xeerarka noocan ah ee golaha maraya waxaa fiican in loo tallo badsado, oo laga hor mariyo nabadaynta iyo dib-u-heshiisiinta iyo walaalaynta dadka Soomaaliyeed. Dawladda Soomaaliya ee maanta joogtaa wax wada hadal ah lamay furin Somaliland”.

Xildhibaan C/fataax Ibraahim Geeseey, waxaanu golaha ka hor cadeeyay ka hor intii aan la ansixinin xeerkaasi gal-daloolooyinka uu leeyahay sharcigani.

Waxaanu yidhi “Waxaa muuqata sharcigan maanta la doonayo in la ansixiyo, in heshiiska ay isku soo koobtay wasaaradda baatroolka oo keliya. Iyadoo aan weli la sheegin  hay’adii nidaaminaysay. Waxa kaloo muuqata in aan la cayimin hay’adda nidaaminaysa.

Waxa kaloo muhiim ah oo aanu ka dhawaajinay, in qaybaha khuseeya isla-xisaabtanka  oo dhan iyo daah-furnaanta aanay xeerka ku cadayn”.

Geesta kale xukuumadda raysal wasaare Khayre, oo dedaal badan ku bixisay in sharcigani uu meel mar noqdo si ay isla markiiba heshiisyo ula gasho dawladaha danaynaya samahinta iyo soo saarista shiidaalka Soomaaliya ayaa si weyn u soo dhawaysay ansixinta sharcigani.

Xeerkan ayaa loo gudbin doonaa golaha sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya si ay u ansixiyaan, kadib-na waxaa saxeexi doona si uu dhaqan gal u noqdo.

Dhinaca kale  maamul goboleedyadda Soomaaliya ayaa diidanaa xeerkan, kuwaasoo hore ugu dhaliilay dawladda federaalka in ay keli isaga dhigtay  sharciyadda dalka loo samaynayo. Iyagoo ugu hanjabay in aanu dhaqan gal ka noqon doonin degaamadoodda sharci aan iyaga lagala tashan.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY