Geerida Geesigii Kala-Baydh: Ducadeena Ficil aynu Raacino Bulshooy By: Amb. Kaysar Cabdilaahi

0
915

Inaa Lilaahi wa inaa Ileyhi Raajicuun, Marka Hore Waxaan Tacsi u dirayaa Qoyskii, Qaraabadii Iyo Guud ahaan Qaranka Somaliland iyo gaar ahaan Ciidamada Boliska Laanta Waddooyinka ee uu ka baxay Askarigan Geesiga ahaa ee magaciisa loo yaqaanay uu ahaa Kalabaydh Rabbi Naxariistii Janno haka Waraabiyee oo dhawaan ku geeriyooday Caasimada Hargeysa. Sida dad Aad u tiro badani tilmaameen waxa uu ahaa Askari Hawlkar ah oo Hadh iyo Habeen, Dhaxan iyo Kulayl, Roob iyo Dabayl intaba taagnaan jiray si uu u kala hago Gaadiidka tirada badan ee dhex qulqulaya jidadkeena. Run ahaan haddii aanan khaldanayn Aniga qudhaydu Waxaan filyaa inaan Askarigan oo Gaadiidka kala hagaya aan ku arkay Isgoyska suuqa badhtankiisa ee dhinaca Galbeed ka xiga dhismaha Xarunta Telesom, xaga hawdna uu ka xigay suuqii Qaydarka la odhan jiray Hargeysadii hore, iyada oo isgoyskaasi oo kaabad yar oo dhuubani ay ka taagneyd dadka qaarkood ay magac qarriban oo Tawrada ku ladhnaa loo yaqaanay, halkaas ayaan filyaa inaan Aniga qudhaydu Askarigan Geesiga ah inaan ku arkay.

Marxuum Kalabaydh
Marxuum Kalabaydh

Iyada oo Waajib Diini ah iyo mid Damiirka ahiba uu inaga saaran Yahay inaynu Caawino qof kasta oo baahan intii awoodeena ah, isla markaasna aynu nahay Ummad Islaam ah oo Dhaqan iyo Caado u leh inaynu is garabsano oo inta aynu gacmaha is qabsano Xukuumad iyo Shacbiga aynu Dadkeena Baahan Caawino, iyada oo aynu dhamaanteen dareemi karno in aynu nahay Qaran Curdin ah oo weli Dunida Aqoonsi ka sugaya oo aynaan lahayn Awood Balaadhan oo dhaqaale oo aynu ku kafaalo qaadan karno Qof kasta oo Danyar ah. Iyada oo Bil Rabadaan oo Khayr leh aynu ku jirno oo Allaha Awooda badan ee Raxmaanka ah aynu Naxariis iyo Dembidhaaf ka sugayno ayaa waxaan soo jeedin lahaa in Shacbiga reer Somaliland ee Dalka Gudihiisa iyo Debadiisaba joogaa ay u istaagaan oo ay u hawlgalaan sidii Qoyskii uu ka baxay Marxuumkaas Geesiga ahaa aynu Gacan ugu fidin lahayn.

Jaaliadaha kala Duwan ee Qurbaha ku Nool iyo Dadka ganacsatada iyo Muxsiniinta ah ee Dalka gudiihisa ku suganba Waxaan ka codsanayaa Inay is abaabulaan oo ay gacan Naxariisle u geystaan Qoyska Danyarta ah ee uu ka baxay Halyeey Kalabaydh Rabbi Naxariista Janno ha ugu Deeqee.

Waxaa kale oo aan ka Codsanayaa dadka Hargeysa ku sugan ee garanaya Qoyska Marxuumku inay soo helaan meel lagala xidhiidhi karo Qoyska Reer Kalabaydh.

Ballanteenu Waa inaynu Maanta ka Bilowno Meel kasta iyo Magaalo kasta iyo Jaaliyad kasta sidii aynu dar Allah ugu Caawin lahayn Qoyskii uu ka hoyday Marxuum Kalabaydh.

 

 

Waad Mahasan Tihiin

Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamed

……………………………………………………………………..

HargeisaPress  —  Dhamaan Maamulka, Hawlwadeenada iyo Wariyeyaasha Shabakadda HargeisaPress.com oo kala ah Shiine Cilmi Kaahin, Mohamed Cabdiraxmaan Yaasiin(Mohamed Carab), Mahad Kadleye, Cumar C/Risaaq Cali, Xuseen Maxamuud Maygag. Sabaax Cabdi Aadan, Guled Iman Muxumed, Faysal Maxmaed Cumar, Cabdikariim Qoorgaab. Waxaan Tacsi u dirayaa Qoyskii, Qaraabadii Iyo Guud ahaan Qaranka Somaliland iyo gaar ahaan Ciidamada Boliska Laanta Waddooyinka ee uu ka baxay Marxuum Kala-Baydh… Inaa Lilaahi wa inaa Ileyhi Raajicuun,… Inaa Lilaahi wa inaa Ileyhi Raajicuun,

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here