Garabka Haweenka Xisbiga Kulmiye Oo Hadhimo Sharafeed Ku Maamusay Haweenka beesha reer Maxamuud Nuur ee Gobolka Awdal + SAWIRRO

0
1271
HAWEENKA REER AWDAL

Hargeysa, (HargeisaPress) —Hoggaanka garabka haweenka heer qaran ee xisbul-xaakimka KULMIYE, ayaa hadhimo-sharafeed ku maamuusay madaxda haweenka ah ee xisbigaas u qaabilsan gobollada Gobolka Awdal ee beesha reer Maxamuud Nuur, kuwaas oo booqasho ku joogay caasimadda Hargeysa.

Munaasibadda hadhimo-sharafeedda ah oo lagu qabtay Hutel Guuleed ee magaalada Hargeysa, ayaa waxa abaabulkeeda iska lahaa hoggaanka garabka haweenka heer qaran oo ay hoggaaminayo Marwada Musharaxa kulmiye Marwo Sahra Cabdilahi Cabsiiye ,marwo Canab Cumar Ileeye iyo Xubno kale oo ka tirsan xisbiga ayaa halkaas la isku weydaarsaday hadallo soo dhaweyn iyo mahadnaq u badan oo hawlaha xisbiga taabanayey.

Madaxda garabka haweenka ee beesha reer Maxamuud Nuur oo iyagana halkaas lagu maamuusay, ayaa si weyn ugaga mahadnaqay hoggaanka heer qaran sida hufan ee ay casuumadda ugu sameeyeen iyo weliba sida ay mar walba ula garab joogaan taageerada, taas oo bud-dhig u ah wada-shaqaynta heerka sare ee haweenka xisbigu caanka ku yihiin.

Xubno katirsan garabka haweenka heer-qaran oo hormood u ahaayeen Canab Cumar Ileeye oo ah guddoomiyaha garabkaas iyo weliba ku-xigeenkeeda Marwo Dalays Shire Faarax oo iyagna madasha ka hadlay, ayaa u mahadnaqay xubnaha Maxamuud Nuur  Reer Awdal, waxana ay sheegeen inay muhiim u yihiin habsami-u-socodka arrimaha xisbiga oo haatan meelsare maraya.

Xubno ku hadlayey afka saraakiisha haweenka oo iyaguna halkaas ka hadlay, ayaa wada-shaqaynta iyo isku-xidhnaanta garabka haweenka ee xisbiga ka dhex jirta uga mahadnaqay hoggaanka heer-qaran ee xisbiga, waxana ay hoosta ka xarriiqeen inay diyaar u yihiin sidii xisbigaasi markale hoggaanka dalka ugu soo noqon lahaa.

Ugu dambayntii waxa kulankaasi kusoo dhammaaday jawi abaabul iyo xiiso badani ka muuqdo, waxana xubnaha martida ku ahaa caasimadda Hargeysa iyo xubnaha kale ee heer-qaran ee garabka haweenka xisbiga KULMIYE isla garteen in kor loo qaado isla-markaana la xoojiyo hawlaha xisbiga, iyada oo dhinac waliba dhankiisa u ballan qaaday wada-shaqayn hufan iyo dardargelinta hawlaha xilligan taagan.

Kulankan, ayaa waxa uu markhaati ka yahay sida garabka haweenka ee xisbul-xaakimka KULMIYE heeganka ugu yahay inay lib ka gaadhaan doorka ay xisbiga ku leeyihiin ee la xidhiidha dardar gelinta iyo qaybyo-tirka shaqooyinkooda, maadaama dhawaan la geli doono bilo olole oo loogu diyaar garoobayo doorashooyinka soo socda.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here