GABILAY IYO SALAL MAHA KUWO KA HOR IMANAYA QARANKAN SOMALILAND EE REER AWDAL HALA QANCIYO Qalinkii: Aadan Maxamed Xaaji (aadan weli)

0
1002

aadan waliWaxa baryahan danbe soo baxaya cabashooyin ka imanaya goboka Awdal dadka ka soo jeeda oo ah lafdhabarta somaaliland haana kuwii dhidibka u taagay qarankan somaaliland oo run ahaantii aan filayo in reer Awdal cidan u daba fadhisanayn wixii ay rabaan meeqaamkay kaga jiraan aan ognahay maaha in ay dad dano gaara lihi ay ka dhigaan dad magan uga ah waxay xaqa u leeyihiin dadkale hadaba bal aan si kooban uga hadalno mar xaladihii ay Somaliland soo martay tan iyo maalintii lagu dhagu dhawaaqay iyo heerarkii ay soo martay ilaa 1992-2014 labadii sano ee u horeeyay ee uu madaxwaynaha ka ahaa c/raxmaan tuur waxa lagu jiray qas iyo buuq ka dhex qarxayay beelihii snm wada ahaa oo waxkhtigaa galay dagaalo sokeeye waxa kale oo socotay in beelihii saamaynta wayn uu ku yeeshay dagaalkii lagula jiray rajiimkii siyaad bare oo ahaa dadka ood wadaagta ahaa ee ehelka is dhalay ahaa ee daganaa gabilay iyo Awdal inay khilaafkooda ku dhamaystaan geed hoostii oo odayaasha ka soo jeeday deeganka gabilay iyo kuwa Awdal ku wada hadlaan dagmada dila laga heshiiyo khilaafkii uu nidaamkii siyaad bare ku kala fogeeyay ee inan iyo abtigii kala ke xeeyay ilaahay waa ku guuleeyay waxana lagu heshiiyay in lays ku celiyo hanti waxa la kala haystay oo ahaa dhul iyo guryo iyo beero arintaas waxana way ka fuleen waxana wali may fulin odayadii reer gabilay way fuliyeen shuruudihii oo dhamaan gur yihii ay qabsadeen jabhadu ee ay lahaayeen dadka ka soo jeeda Awdal waa loo celiyay haday beer tahay iyo haday guri tahayba

Waxa 1993 magaalada boorame ee shirkii beelaha Somaliland lagu doortay ilaahay ha u naxariistee madaxweyne Maxamed xaaji ibraahin Cigaal waxa madaxweyne ku xigeen laga dhigay mujaahid  cabdiraxmaan aw cali faarax waxa laga soo galbiyay magaalada boorama oo lagu soo dhisay axdi qarameed lagu wada heshiiyay markay dawladoodii shaqaynaysay halsano ayaa beel ka mida beelaha dhexe ay ka hor yimaadeen Somaliland nimada oo siyaasiyiintoodii somaliway taageereen waana beesha garxajis la yidhaah waxkhtigaa dawladu waxa ay ka shaqaynaysay gobolka maroodi jeex iyo Awdal waxana labadaa gobol iyo deeganka saylac ee imika la yidhaah salalan laga soo qaaday ciidamo ciise ah iyo kuwo reer Awdal ah oo la qarameeyay iyo kuwo dagaanka maroodi jeex oo gabilayku jirto dadka gobolada kale  oo iyagan la qarameeyay iyo wa xoogaa gobolada kale aha laakiin waxa u badnaa dadka gobolada maroodi jeex Awdal ka soo jeeda waxa isu dhacay dadkii reer gabilay iyo dadkii ka soo jeeday reer Awdal sandkii 1993 oo laysu qabsaday beerihii dadka ka soo jeeda gabilay sugayeen in lasoo celiyo oo ay dagaan degaanadoodii waxa arintaa wakhtigaa xukun ka soo saaray golaha guurtida waxayan u xukumeen odayaashii gobolka gabilay intaa dabadeed waxa ba lagama fulin waxa sanad kii 1994 hargaysa ka bilaabmay dagaalkii sokeeye ee ay garxajisku Somaliland kaga horyimaadeen badhkood oo ay hogaaminayeen dad siyaasiyiina oo dano gaara leh tiina waxay keentay in ciidan beeleedkii la qarameeyay ay gacanta wada saaran oo hargaysa daan qudha madaafiic lala dhaco oo ay dawladii Somaliland ee uu madaxwayne ilaahay ha u naxariistee igaal iyo tol waa oo ahaa madaweyne ku xigeenka ahna wasiirka gaashaandhiga oo isagu amarka bixinayay waxana la la dagaalamayay waa beel kamida dadkii snm ahaa may odhan beelihii kale maa loola dagaalamayaa ee loogu soo uruuriyay beelaha kale balse waxa ay u arkayeen inay ka hor yimaadeen wixii lagu heshiiyay madaafic ayaa danka ka mida daamah hargaysa la ladhacayay

Hadaba waxaba yaanan soo wada qaadan dhacdooyinkaase markii danbe sidii ayaa lagu wada qaatay Somaliland waxan lagu heshiiyay cida diida somalind inaga mid ahayn oo dhan looga soo wada jeesto waan laysla qaatay qodobkaa geeridii Cigaal kadib waxa dalka la wareegay mudane daahir riyaale kaahin oo isagu madaxweyne ku xigeen loo doortay 1997 kii geeridii Cigaal kadibna madaxwayne noqday qabtayna doorashooyin kii axdi qarmeedkiina laga guuray oo la galay asxaab daahir waxa uu xukunka hayay mudo ku siman 9sano isagoo doorasho kaga guulaystay madaxweynaha hada mudane axmed siilaayo oo ahaa hogaamiyii halganka lama odhan aan doorano siilaayo bales daahir ayaa la doortay oo ka badiyay silaayo haday qabyaalda tahay miyaa sidaas la yeeli lahaa maya weeye jawaabtu mudadii daahir dalka haystay cabasho badan ayaa degaanka gabilay iyo ee ceelbardaale taalay oo aan dhag jalaq soo siin dhibaato badana ayaa ka dhacday saddex jeer ayay guurti xukuntay cidi may fulin dadkii degaan kaa daganaa ilaa haadatan waa qaxooti lug-haya dadka reer gabilay dhul iyo guryo ay ku lahaayeen ma hayaan waanay dagaan hadaba waxa aan soo jeedinayaa in horta la ogaado in cidii qaranimada diidaa uu yahay danbiile qaran mana ah in la yidhaah hadan nahay dadka daga gabil iyo salal iyo Awdal waan taageersanahay dee anaa reer gabilaya oo aan taageersanayn cadaald darona nahaysaa oo dhulkayagii aan hayn sida aan habeen dhawayd daawanayay dad sheeganaya inay goboladaa ka soo jeedaan oo waliba qabiil caayay dadka beelaha dhexe maaha in la soo celiyo waxabadan oo laga heshiiyay hala siiyo cid walba waxa ay tabanayso ciisaha. hala siiyo waxa uu tabanayo hada waa dadka salal hala siiyo dadka reer Awdal waxa ay tabanayaa hala siiyo dadka reer gabilay waxa ay tabanayaan ee cadaalad daradu ku jirto han maah mid meel kaliya haysta reer awdalna maah inay cadaalad daro ku hayaan dadka gobolada kale daga oo ay yidhaahdaan hadaanu hanay dadka salal iyo Awdal iyo gabilay iyagoo labaduba ka tirsanaya cadaalad daro dawladan u fulin la’dahay waxay ka cabanayaa qaxootigii ciisaha ayaa wali aan la soo rarin oo dawladu waxa ka qaban la’dahay hadaba xukuumadu waxaan leeyahay cid walba cadaalada mariya Awdal cadaalad siiya salal oo ciise ahna cadaalada siiya reer gabilayna u fuliya xukunadoodii guurtidu xukuntay saddex jeer oo aan ilaa hatan waxaba laga qaban .

 

 

Qalinkii: Aadan Maxamed Xaaji aadan weli
Gabilay,Somaliland
Email: aadanswali@live.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here