Faysal Cali Waraabe Oo Baarlamaanka Ugu Baaqay Inay Laalaan Ganacsiyada Kootada Loogu Xidhay Shakhsiyaad Gaar Ah

0
1053
Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe

Hargeysa, (HargeisaPress) —Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Ucid Eng.Faysal Cali Waraabe ayaa baarlamaanka u soo jeediyay inay jabiyaan ganacsiyada kootada loogu xidhay cid gaar ah si meesha looga saaro dastuur jabinta arintaas ay keensatay.

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa eexda ku tilmaamay mid meesha ka saaraysa horumarka dalka iyo sida oo kale in sirta dalku ay banaanka u baxayso, waxaanu sidan ka sheegay isaga oo ka hadlaayay soo dhawayn loo sameeyay guddoomiyaha shirkada Telesom Cabdikariin Maxamed Iid oo ku soo guulaystay hoggaanka ugu wanaagsan shirkadaha isgaadhsiinta ee Afrika oo lagu qabtay dalka koonfur Afrika.

Guddoomiye Faysal Oo arintan ka hadlaayay waxa uu yidhi “Sharcigeenu waxa uu dhigayaa suuqa furan oo wax la yidhaahdo kooto uu inaga mamnuuc yahay taasi tartan ayay keenaysaa oo waa taas maanta Telelsom ay Afrika oo dhan kor uga soo baxday, Somaliland waxay had iyo jeer ku caan baxday inay jabiso sharciga, inta jeer ee dastuurkeena la jabiyay ciidaas waa uu ka badan yahay,waxa ka mid ah kootadaas la xidhay intaas oo shirkadood oo kala duwan oo kooto loo xidhay, waxaanu leenahay hala joojiyo kootadaas suuqa xorta ah hala furo; 11 kaybal ayaa mara Jabuuti oo badda ah, inagana waad ogtihiin midna inama maro.”

Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi“Sirteenii ayaa khatar ku jirta oo meel ay timi eexasho horumar ma yimaado, baarlamaanka sharci uma arko laakiin waa ay fadhiyaane ha jabiyeen ganacsiga kootada lagu xidhay.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here