Dr. Bulxan Iyo Fayal Cali Waraabe Oo Ka Hadlay Geediga Aqoonsi Raadiska Qadiyadda Somaliland Iyo Wada Hadalada Hargeysa Iyo Muqdisho

0
160
Dr. Bulxan

Hargeysa, (HargeisaPress) —Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe iyo aqoonyahanka reer Somaliland Dr. Xuseen Cabdillaahi Bulxan, ayaa ka hadlay geediga aqoonsi raadiska Somaliland iyo wada hadalada dawladaha Somaliland iyo Somaliya.

Labadan masuul oo marti ku ahaa barnaamij uu Telefishanka Universal Hargeysa ku qabtay oo ay masuuliyiin kale iyo dad kala duwani ku falanqeeyeen qaddiyadda aqoonsi raadiska Somaliland, waxay ku soo bandhigeen aragtidooda la xidhiidha mawduucan muhiimka u ah Somaliland ee aqoonsi raadiska.

 

Faysal Cali Waraabe

Ugu horayn Faysal Cali Waraabe oo la weydiiyay halka uu aaminsanyahay inuu ku xidhanyahay ictiraafka Somalialnd, wuxuu yidhi  “Dalkani waa dal jiri jiray oo lixdankii midnimo sameeyay, dagaal ka bacdina goostay inuu soo ceshado qaddiyadiisa, qaddiyadeenu waa qadiyad caalami ah oo inoo dhaxaysa inaga iyo dunida, wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya waxay dhacaan wada haladu markay labada qaybood kala abixi waayaan sidii Suudaan iyo Koonfurta Suudaan ayaa la yidhaahdaa hala joojiyo oo hala wada hadlo, inagu wax alla wax ay inagu leedahay Soomaaliya ma jirto, dawladii aynu la dagaalanay meesha way ka baxday ilaa hadana dawlad  Soomaali ah oo cago adag ku taagani ma jirto, markaas inaga waxa la yidhi wada hadla ilaa haddana ma haysano dhinac dhisan oo awoodii dadka haysata oo aynu la hadalno, inaga laakiin waxay inala tahay inaynu wada hadalada la wadno haddii aynu aragno dad hagaagsan, dunidana la macaamilno, IGAD ka bilowno  Midowga Afrika ku xigsiino oo aan sidaas u socono laakiin inaan u garba duubnaano dad aan jirin inagay inagu xidhantahay oo siyaasad gudaheena ah ayaa ina dishay ee waxaan u baahanahay inaan gudaheena hagaajiso oo xuduudaheena gayno sharcigeenii oo xuduudeehnii caalamiga ahaa sugno.”

 

Dr. Bulxan Dr. Xuseen Cabdillaahi Bulxan, ayaa la weydiiyay isla su’aashaas waxaanu yidhi  “Hawshan ictiraafku qaybi Alle ka sokow waa wax gacanteena ku jiray iyo dedaalkeena,  nolosha markaad dhinac walba ka eegto bini-aadamku mushkilado ayuu la kulmaa mid yar iyo mid weynba,mushkiladaas hadaad dhulka is dhigto ood tidhaahdo waa mushkilad iga weyn dee wax aad qabsanayso ayaan jirin, haddii muddo aad haysatay oo mudadaas aad xalili kari weydana waa inaad dib u noqotaa ood tidhaahdaa maxaa iga khaldan. Dhawr iyo labaatan sanno waxaynu keeni weynay fikradii hore ku soco uun ma soconayso waa inaad dib isu eegtaa.

Anigu sidaan qabo mushkiladda ictiraaf la’aanta waxay ka timid mushkilad inaga iyo dadka Soomaaliya la ina dhex dhigay, maaha Soomaaliya wax ay ina haysato Soomaaliya inama haysan karto oo maba laha taag ay kugu haysato waa mushikilad la ina dhex dhigay. Yaa ina dhex dhigay weeye su’aashu, taas la isma weydiin. Ictiraafka ay haystaan mid ay sharc iyo awood iyo dhaqaale iyo aqoon ku heleen maaha, inagoo dhisan ayaynu ictiraafkii weynay, iyagoon dhisnayn ayaa ictiraafkii la siiyay oo dad ayaa hadiyad ku siiyay. Dawladnimadaas ay sheeganayaan waa dawladnimo la dhoodhoobay oo la sameeyay oo aan weli jirin teenii intaas jirtayna ictiraafkii ayaa loo diiday, yaa inaga horjooga ismaynu weydiin. Ddaka Somaliland iyo Soomaaliya waa mushkilad la dhex dhigay, yaynaan iyaga qabsan, nin dawladiisa la dhoodhoobay ayaa wax ii diiday waa nusqaan. Inagaa ka gaabinay oo aan fahmin waana in dib loogu noqdaa, dadkii masuulka ka ahaa ictiraaf raadinta ismabaynu weydiin. Waxaan qabaa saacadu waa kama dambays. Waar waxan dib haloogu noqdo oo dib hala isu eego oo meeshay wax ka khaldanyihiin hala eego.”

Faysal Cali Waraabe

Faysal Cali Waraabe ayaa la weydiiyay su’aal nuxurkeedu ahaa carqaladaha ka horyimid wada hadaladii Somaliland iyo Somaliya oo aan wax midho ah dhalin, waxaanu yidhi  “London ayay 2012 ka bilaabmeen wada hadaladu waana laga shiray oo waxaanu ku tashanay in la tago laakiin lala tago rayi shirka laga sheego oo ah laba wadan ayuu ahaa Somaliland iyo Somaliya; midi waa tan samaysan tii kale hadaad leedihiin tanaa ka wakiil ah oo aan jirin oo aad dabada ka wadaan. Shirkaas qaraar fiican ayaa ka soo baxay ahaa Somaliland iyo Somaliya haka wada hadleen xidhiidhkooda mustaqbalka, markaas lama odhan karo khasaare ayuu ahaa, waxa la wada fadhiistay London, hadana Dubai ayaanu isugu nimid, halkaas markay marayso ayay dawladii Sheekh Shariif  is bedeshay oo waxa timid dawladii Xasan Sheekh, dawladan Damul jadiidna raali kamay ahayn oo kuwaas diinta ku abtirsadaa iyagu diintoodu waxa weeye Somaliland iyo Somaliya yaanay kala bixin, laakiin waxa la fadhiistay Turki oo qodob fiican ayaanu ka soo helnay inaan wixii horumar ah uu wadan kastaa wixiisa wadan karo oo aan la siyaasadayn.

Markaanu halkaas marayno gudahayagii ayaanu is qabsanay oo qolooyin kale ayaa iyaguna ajendeyaal kale lahaa, anigu markaas halkaas ayaan kaga hadhay, wixii intaas ka dambeeyayna waxay ku xidhantay march 2015 inay nimankii damul jadiid inoo keenaan niman reer Somaliland ah. Khasaare may ahayn wada hadaladu, qoladaas ayaa waday, inaguna dedaal maynu samayn, arrinteenu waa arrin iska salaxan gudaheena haddii aan hagaajino oo istaraatajiyad iyo saaxiibo samaysano adduunka inaga abaaniya uma baahananayno Soomaaliya.”

Dr. Bulxan

Dr. Bulxan ayaa la weydiiyay su’aal ahayd Somaliland ma buuxisay shuruudaha qaran lagu aqoonsado, waxaanu yidhi  “Waa haa dhinac, waana maya dhinac kale. Waa haa oo marka u horaysa Somaliland way buuxisay shuruudihii,  sidaas uu sheegay heshiis ayaa jiray caalami ahaan meel la dhigay 1933 ayaa la dhigay waxaan la yidhi maxaa dawlad lagu aqoonsan karaa ta u horaysaa waa dawladnimo dhisan, dhul cayiman ma degenyihiin dadku, dadku ma ogolyihiin dawladii, shuruudo caynkaas ah ayaa la dhigay,  sharci ahaan waynu buuxinay laakiin sharci uun kelidii maaha intaad maxkamad tagto in wax lagugu siiyo, dano ayaa jira dawladuhu adduunyada isku kaashadaan, istaraajiyo ayaa jira, hadaad tidhaahdo ceelka ayaan u baahanahay oo farsamadii lagu qodayo aanad haysan biyo ma helaysid.”

Dr. Bulxan, wuxuu sheegay inuu Marxuum Cigaal u arko madaxweynaha keli ahaa ee Somaliland soo maray ee daacad ka ahaa aqoonsi raadiska Somaliland, waxaanu yidhi “Somaliland markaad taariikhdeeda eegto nin baa daacad ka ahaa, anigu madaxweyne ayaan ogahay isku hawlay  oo hawshaas ahmiyada koowaad ka dhigtay, waxna muu haynin, Marxuum Cigaal ayuu ahaa, waanan a joogay oo anigu waxaan ka mid ahaa dadkii Marayakanka uu waraaqaha u dirayay wax uga qorayay, waxa kaloon ogahay intii ka dambaysay dawladihii ka dambeeyay waa laba, midi fursad cajiib ah oo aanan faahfaahinteeda sheegi karin oo shan milyan inagaga xidhnayd ayay ka gaabisay oo aanay waxba bixin dadkana waxba u sheegin oo loo baahanyahay in laga daba tago oo la  ogaado.”

Geeska

LEAVE A REPLY