Dowladda oo Sheegtay in Calaamadaha Cudurka Ebola aan lagu Arag Somalia

0
1063
BREAKING-NEWS
BREAKING-NEWS

MUQDISO, (HargeisaPress) —Sii-hayaha xilka wasiirka warfaafinta Somalia, Mustaf Shiikh Cali Dhuxulow ayaa sheegay inay muhiim tahay in la hubsado wararka idaacadaha iyo website-yada qaarkood ay qorayaan ee ku aaddan in shaqsi Soomaali ah lagu arkay calaamadaha cudurka Ebola. Isagoo xusay inay dowladda Somalia caddeynayso inuusan jirin wax caddeymo ah oo la xidhiiidha arrintaas.

Sidoo kale, wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa xaqiijisay inaysan jirin caddeymo la xiriira wararka ay warbaahinta qorayaan ee ah in cudurka Ebola ee halista ah lagu arkay calaamadihiisa Somalia, iyadoo lagu sheegay warka inaan loo baahnayn in shacabka Soomaaliyeed lagu abuurin shaki iyo cabsi ah, iyadoo aysan jirin wax caddeymo ah oo arrintan loo hayo.

“Warbaahinta dhammaanteed waxaa saaran mas’uuliyad gaar ah oo ku saabsan inaysan u sheegin shacabka Soomaaliyeed warar been abuur ah oo aan la hubin, isla markaana aan caddeymo loo hayn,” ayuu yiri Dhuxuloow.

Isagoo sii-hayaha wasiirka warfaafinta Somalia ayaa sheegay inay raalli-gelin ka bixiyaaan idaacadaha baahiyay wararkii been abuurka ahaa ee ku saabsanaa cudurka khatarta badan ee Ebola. “Warbaahinta dhabta ah waa tan aan jahwareer ku beerin shacabkeeda.”

“Dowladda Soomaaliya waxay xaqiijinaysaa inaysan jirin calaamado muujinaya in cudurka Ebola laga helay Soomaaliya. Sidaas darted, waa inaan shacabka Soomaaliyeed shaki lagu abuurin. Dowladduna mar hore ayay ka tabaabusheysatay inuusan cudurkaan Somalia soo gaarin, waxaana dhammaan garoomada diyaaradaha la geeyay khubaro baaraya dhammaan dadka ka yimaada dalalka uu cudurkan ka jiro. Cid Allaale iyo cidii shaki ka galo waxaan la socodsiinaynaa inay wasaaradda caafimaadka si toos ah ula soo xiriiraan,” ayuu hadalkiisa ku daray Dhuxuloow.

Ugu dambeyn, sii-hayaha xilka wasaaradda warfaafinta Somalia ayaa dadka Soomaaliyeed ka codsaday inay dowladooda kala shaqeeyaan wax allaale iyo waxii khatar ku ah dadka Soomaaliyeed, ha noqoto cudurrada dilaaga ah ama kooxaha dhibaateeya shacabka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here