Dibadbaxyo Rabshado Wata oo dib uga Qarxay Caasimada Burundi ee Bujumbura + SAWIRRO

0
919

Bujumbura , (HargeisaPress) — Booliiska dalka Burundi ayaa Dibad-baxayaal maanta dib uga bilaabay magaalada Bujumbura dibadbaxyo ay kaga soo horjeedaan madaxweynaha dalkaas oo doonaya inuu mar saddexaad xil madaxweynenimo isku soo taago, kaddib laba maalmood oo dibadbaxyada ay hakad ku jireen.

Qiyaastii boqollaal dibadbaxayaal ah oo ku sugnaa waddooyinka xaafadaha kala duwan ee caasimadda dalkaas ayaa dhagaxaan ku tuuray booliiska oo doonayay inay kala eryaan; iyadoo la soo sheegayo in dibadbaxyadu ay ku baaheen magaalooyin bartamaha Burundi ku yaalla.

A resident looks out of house as riot police walk past in the Nyakabiga district, Burundi, Monday May 4, 2015. Anti-government demonstrations resumed in Burundi's capital after a weekend pause as thousands continue to protest the president's decision to seek a third term. (AP Photo/Jerome Delay)
A resident looks out of house as riot police walk past in the Nyakabiga district, Burundi, Monday May 4, 2015. Anti-government demonstrations resumed in Burundi’s capital after a weekend pause as thousands continue to protest the president’s decision to seek a third term. (AP Photo/Jerome Delay)

Mid ka mid ah kooxaha abaabulka mudaaharaadyada wada ayaa la sheegay inay bartamaha dalkaas ka billaabeen dibad-baxyo, kuwaasoo Noqonaya kuwii ugu horreeyay oo ka dhaca magaalo ka baxsan caasimadda dalka Burundi.

Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in ciidamada booliiska ay gaaska dadka ka ilmeysiiya u adeegsadeen kala diridda dibadbaxayaasha, balse kooxo aan weli la aqoonsan ay bambaano ku weerareen ciidamada booliiska, taasoo aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay.

Hoggaamiyaha Burundi, Pierre Nkurunziza oo xilka qabtay sannadkii 2005-kii ayaa sheegay inuu mar saddexaad ka qaybgalayo doorashooyinka ka dhici doona dalkaas bisha Juun ee sannadkan uu ka qaybgalayo.

Mudaaharaadyada_Burundi (1)

Mucaaradka dibadbaxyada dhigaya ayaa ku eedeeyay madaxweynaha dalka Burundi inuu jabinayo dastuurka dalkaas u yaalla, kaasoo ay sheegeen inuu dhigayo in laba jeer oo keliya uu madaxweynuhu u tartami karo xilka.

Dibadbaxyada maanta dib uga soo cusboonaaday magaalada Bujumbura ayaa waxay kusoo beegmayaa xilli shalay ay xukuumadda dalka Burundi ku dhawaaqday inaan la qaban karin dibadbaxyo kale.

Qaar ka mid ah mas’uuliyiinta dalka Burundi ayaa hadallo iska soo horjeeda ka yiri dibad-baxyada weli ka socda Bujumbura, kuwaasoo lagu macneeyay khilaaf cusub oo soo dhex-galay xukuumadda Burundi.

Mudaaharaadyada_Burundi (10)

Axaddii Shalay ayay ahayd markii Taliyaha Ciidamada Burundi, Jen. Prime Niyongabo uu sheegay in ciidamada millateriga ay amarrada kasoo baxaya xukuumada daacad u noqdaan, halka wasiirka difaaca dalkaas, Jen. Pontien Gaciyubwenge uu isna sheegay inay ciidamada si dhex-dhexaadnimo ah ula tacaalaan dibadbaxyada socda.

Si kastaba ha ahaatee, madaxweynaha Burundi, Pierre Nkurunziza ayaa ku adkeysanaya go’aankiisa ah inuu ka qaybgalayo doorashada madaxnimo ee dhici doonta dalkaas 26-ka bisha Juun ee Sannadkan, inkastoo wadahadallo lagu dajinayo xiisadda dalkaas ka taagan ay socdaan.

Riot police chase a demonstrator in Bujumbura, Burundi, Monday, May 4, 2015. Anti-government demonstrations resumed in Burundi's capital after a weekend pause as thousands continue to protest the president's decision to seek a third term. (AP Photo/Jerome Delay)
Riot police chase a demonstrator in Bujumbura, Burundi, Monday, May 4, 2015. Anti-government demonstrations resumed in Burundi’s capital after a weekend pause as thousands continue to protest the president’s decision to seek a third term. (AP Photo/Jerome Delay)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here