DEG DEG:Masuuliyiin Sare Oo Ka Tirsan Xukuumada Somaliland Oo Borama Loo Soo Diray Sidii runta loogu sheegi lahaa maayar maydhane oo odhadku ay ku haystaan musuqmaasuq cad taas badalkeeduna yahay inuu si nabad ah ku wareejiyo maayar Nimada.

0
1134

DEG DEG:Masuuliyiin Sare Oo Ka Tirsan Xukuumada Somaliland Oo Borama Loo Soo Diray Sidii runta loogu sheegi lahaa maayar maydhane oo odhadku ay ku haystaan musuqmaasuq cad taas badalkeeduna yahay inuu si nabad ah ku wareejiyo maayar Nimada.

Hargaysa -hargeisapress – Hadaba su,aasha meesha talaa ma ka badbaadi karaa maayar maydhane in la xidho?mise waxaa dhicidoonta sidii horeyba looga bartey dawladii sinaayo in qofkii hantida umada cunaaba inuu si nabad ah uu ku dhax wareego suuqyada magaalada borama?

Su,aasha labaad ee bulshada reer borama ay is weydiinayaan waxay tahay maxaa keeney in dawlada JSL iney soo diraan sadex nin oo isku reer ah in loo soodiro degmada borama ?

Wafti isku reer ah ee u horkacaayo gudoomiye ku xigeenka golaha wakiilada Somaliland Axmad Yaasiin sh Cali Ayaanle  oo ay ka mid yihiin Wasiirka Ganacsiga iyo warshadaha Saajin Xasan Sacad,Xisabiyaha Guud ee Qaranka axmed daauud Iyo agaasimaha wasaarada tacliinta sare Aways Muuse Muruud ayaa loo soo diray sidii ay Mayerka Borama ugu qancin lahaayeen inuu iscasilo xilkana lagu wareejiyo Mayer cusub.

Hadaba su,aasha ay dadka reer borama is weydiinayaan waxay tahay tolow nimankan isku reer ka ahi ma waxaay wadaan hadana nin makaahiil ah oo iyaga la qabiil ah kadibna si ay umadii magaaladu ay u sii kala qaybsanaato?

Masuuliyiintani oo isku beel ah ayaa Gabileynewsonline loo cadeeyay in Hargeysa uu kasoo diray Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Saylici iyo madaxwaynaha qaranka JSL oo horay u amray gudoomiyaha gobolka Awdal CABDIRAXMAAN uu ku saxsan yahay inuu maayar maydhane yahay ninka qudha ee aqabada ku ah golaha degaanka ee borama iyo horumarka degmada.

Sobobta waftigan ayaa sida Gabileynewsonline loo cadeeyay lagu sheegay inay tahay sidii xal degan loogu soo afjari lahaa muranka dawlada hoose ee Borama.Masuuliyiintani ayaa la filayaa inay iskuday kusameeyaan sidii kooxdan qawleysatada ah ee taageersan maydhane in lagu qanciyo iney ka hadhaan ninka dhacay xoolihii umada.

10 xildhibaan oo  ah kuwa ka qaata laaluushka  maayar maydhane oo sida la sheegaayo isku dhaarsaday inay marnaba aqbalin doonin  amarka madaxwaynaha iyo wasiirka arimaha gudaha JSL uga yimidey..

Hadaba mayerka borama xeerka uu ku  fadhiyo golaha deegaanka waa sax lkn dambiga loo haystaa waa mid qaran maadaama uu lunsadey lacag gaadhaysa boqolaalkun oo dollar sidaasi darteed wuxuu istaahilaa xabsi daayin in lagu xukumo haddii kale waxaa ceeboobaaya odhadka iyo xukumadaba madaxwayne muuse biixi cabdi….

Gabadha xildhibaanada ee dalka ka maqan waa in badalkeedii la keenaa  si loo ilaaliyo sharciga

Masuuliyiintani isku reerka ah oo raba iney ka badbaadiyaan xadhiga la filaayo inuu ku dhaco ex  maayar maydhane ayaa lafilayaa inay kusoo ururto  iscasil aan xadhiga kaaga  badbaadine…

Xigasho: Gabilayonline Borama JSL by Musa Ali

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here