Dalxiiska Kenya oo shantii bilood ee ugu horreeyey Sannadkan hoos u dhacay

0
1040

Photo: A photograph taken on 18 June 2014 and made available on 06 July 2014 shows an aerial view of the resort town Lamu, on Lamu island, eastern Kenya. EPA/DAI KUROKAWA
Photo: A photograph taken on 18 June 2014 and made available on 06 July 2014 shows an aerial view of the resort town Lamu, on Lamu island, eastern Kenya. EPA/DAI KUROKAWA

Nairobi,(HargeisaPress) — Dalka Kenya wuxuu safka hore kaga jiraa wadamada Afrikaanka ah ee dalxiiska uu dhaqaalaha xooggani kasoo galo. Adduun lacageed oo gaaraya 41 milyan oo doolarka Maraykanka ah ayaa la qiyaasaa in sannad kasta Kenya uu dhanka dalxiiska oo keliya kasoo galo, dakhligaas oo 15% ka noqonaya wax-soo-saarka guud ee dalka.

Sanadihii u dambeeyey gaar ahaan sanadkii tegey ee 2013, ammaanka dalka Kenya wuxuu ahaa mid aan wanaagsanayn, arrintaas oo saameyn xooggan ku yeelatay dhaqaalaha guud ee dalka gaar ahaan dalxiiska.

Wargeyska Daily Maverick ee kasoo baxa dalka Koonfur Afrika, ayaa cadadkiisa maanta [July 30, 2014] kusoo daabacay warbixin ka hadleysa hoos u dhaca ku yimid tirada dadkii sannad kasta Kenya usoo dalxiis tegi jirey.

Daily Maverick oo soo xiganaya guddiga heerka qaran ee Kenya u qaabilsan arrimaha dalxiiska, ayaa sheegay in sanadkii hore ee 2013 ay Kenya soo gaareen 398,000 (saddex boqol iyo sagaashan iyo siddeed kun) oo qof oo dunida daafaheeda ka kala yimid.

Tiradaas ayaa shantii bilood ee sanadkan ugu horreysey hoos u dhacday 4% waxayna gaartey 381,000 (saddex boqol iyo siddeetan iyo kow kun) oo qof. Si kale haddii loo dhigo 17,000 (todoba iyo toban kun) oo qof oo Kenya usoo dalxiis tegi lahaa ayaa baaqday.

Ammaanka dalka Kenya ayaa soo xumaanayey laga soo bilaabo bishii October sannadkii 2011, markaas oo cutubyo ka tirsan militeriga Kenya ay usoo tallaabeen dhinaca Soomaaliya, si ay ula dagaallamaan Al-shabaab, oo Kenya ay sheegtay inay khatar ku yihiin dhaqaalaheeda iyo weliba ammaanka muwaadiniinteeda.

Weerarro dhowr ah oo qaarkood ay khasaare badan geysteen ayaa laga soo bilaabo xilligaas Kenya ka dhacayey, kii ugu khasaaraha badnaana wuxuu ahaa kii Westgate Mall. Weerarka oo dad 70 kor u dhaafayaa ay ku dhinteen waxaa mas’uuliyaddiisa sheegtay Ururka Al-shabaab.

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeisa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here