Curadkii Curinta: Calan-side Cali Sugulle Cigaal, (1936kii – 2016ka) Qalinka Boobe Yuusuf Ducaale – Qormada: 12aad

0
1186

“Waxan waayey, waayeel murtida, waajibkeed gudaye,

Waxan waayey, waadiga hiddaha, weel nin noo dara e’,

Waxan waayey, ruux loo wakiyo, wiiqii bawdada e’,

Waxan waayey, ruux lagu wardiyo, weedhuhuu yidhiye,

Waxan waayey, wabarkii tixdiyo, wadanaheediiye,

Waxan waayey, waradii hiddaha, waayo-ara ggiiye,

Waxan waayey, wadihii wan-qalay, wowga dirireede,

Waxan waayey, wadhi kii ku dhigay, gaalkii wicilkiiye,

Waxan waayey, webi dhaqanku laa, oo ka wabax laaye,

Waxan waayey, wiilkii indhaha, waaxda maqalkiiye,

Waxan waayey,lama waarayee, waafi Dun-carbeede,

Waxan waayey, waaniye jeclaa, wadar dadkiisoo dhan.,

 

Tuduc ka mid ah Maansada Baroor-diiqda ah ee Xasan Daahir Ismaaciil, Weedhsame,

 

Qalinka Boobe Yuusuf Ducaale – cankaabo@hotmail.com, www.dharaaro.com

 

Qormada: 12aad

 

Hargeysa, 27/1/2016ka,

 

Shiinleeydii Cali Sugulle

Shib yidhoow abwaannada debnuu, uma shakaalmaan,

Shakiguna Hadraawoow ma galo, shaacir caan-baxay,

Waa shoolad oloshoo murtidu, aayahaw shidan,

Shookigiyo xabsigu gabay ma xidho, shebeglahoodii,

Sharad buuxsantaa Gaarriyoow, tiirku shaabahay,

Shar iyo kheyrba keenaa jiree, sheegato-habowga,

Sheydaanku weel fooraruu, shoolligaw tolaye,

Shalli-laahi dhaha taasi waa, shaqo Ilaahaye,

 

Shacdurka delebka iyo rag aan, dheelin shabadaanta,

Oo aan shantarad barannin baad, wada shaxayseene,

Sharafkeedi Gobannimo hadday, habari shaashaysay,

Ha la sheegadii lagu ballamay, waxa shareeraaya,

Kii shiikhinaayoow anigu, shaaciyaan ahaye,

Sheekadan bulshada taabatee, sharaxa doonaysa,

Shedkeediyo medkeedii Cabdaa, Shiin ku daabacaye,

Sheekheedi maansada halkuu, shookadda u saaray,

Anoo shiiday weydiinaha, oo cilinta shiilaaya,

Waa shilisyay gabayguye haddan, shaaxin ku habaynin,

 

Shiilaabo iyo Wajeer kuma hirtaan, aayo talo-sheege,

Shantu in ay is-raacdaan u degay, shoolo-boolida e’,

Shanshadii Jabuutiyo haddaan, shirixi aan weynay,

Shuhra noqotay Soomaali iyo, Xamar shirkeediiye,

 

Sheeladan qarsoodiga ah iyo, nabarkan shuuqaaya,

Shirkeedaan labaatan u dib-jiray, sano shabeelood,

Shuruud-li’I midnimadaan ku galay, dib-u-shallaygeeda,

Shandadaha in aan uga tagoo, shayna laga qaadan,

In aynu shaashka kala qaybsanniyo, gobo’da shaalkeenna,

Shaki-li’I mid labadaa ayay, gar Alle kuu sheegtay,

 

 

 

Shirqoolkeedi garay Faarax Nuur, sheeko-baraley,

Aniguna shareerkii ka rogay, beentan shaadirane,

Shaqo qaran in uu gabaygu yahay, dani run kuu sheegtay,

 

Sharkeediyo qabiilaba dhacay, shalay lahaayeene,

Iyadoo shunuufihii lehoo, shagagaxlaynaysa,

Tallaabada sidii shalakho iyo, shaanbiyay tidhi,

Shadaabka iyo xildiiddiina way, ugu shanleeyeen,

Shunufka iyo qudhuunkeedi baa, shaamo-reer dhigaye,

Shiriiryahan siniinee digsiga, shagagaxlaynaaya,

Shaacoodii daah aan xil qarin, baa shishe u diraye,

Shaanshaan in laga weriyay buu, gabaygu kuu sheegay,

 

Shalmadi in ay koore raacday, waa daahir yaa shamis,

Shidhkiyo buudhigana daaqaddii, sheekadaw furan,

Shaxaade iyo xammaal iyo hadduu, kaarigu u shawro,

Shufeerka iyo kirishboyga jaan, laga shanayn waa,

Shixnadda iyo rakaabkaba xisaab, tay shalfadiyaane,

Shaag uma rogmado dabo-ka-fuul, waa shukaan-barad,

Isaga oo sheyna ka aqoonninoo, loo shakamadeeyay,

In uu shalowga gaadhigu ka dhici, anigu kuu sheegay,

 

Sidii shaagle laga baqay ayuun buu, soo shaf weyn yahaye,

Shuqulkii askari faranji qoray, shaadhka haw tolan,

Shawa iyo sidigta Nayroobi baan, kuu shirrabayaa,

Shakaddiyo bunduqa qarannimoow, shiishka kor u taaga,

Shisheeyaha ku fiiq gacalka waa, lagala shaacaaye,

Haddii kale shil weyn baa ka dhici, anigu kuu sheegay,

 

Shilin jooge gini kaaga gade, shan afar laab qaate,

Shuftada suuqa madow naga heshee, shubatay dhiiggeenna,

Shilintiyo gafanahaa ku cunay, waa shaqaalaha,

Ma shukulaha buushaha galleey, budana loo shiiday,

Shuuro iyo moofana codsaday, aan shinnidi beerin,

Shiddadeeda sicir-barar miyaan, lacagtu kuu sheegin,

 

Shoobto iyo Batuulaba xariir, baa ku shaqasheen,

Shanley iyo dhacliyo darayamuus, ay shollaha geyso,

Ayay Shamis u baratee markaad, shiidadka u keentay,

Shuun iyo Kinsiba kaaga dude, shiid-talyaaniga,

In ay kala shuftoobayso buu, gabaygu kuu sheegay,

 

Shuraakaha is-raacaa hantiday, wada shaqaysteen,

Shaarubaha kiiyoon la gelin, hoo la shubanaayo,

 

(La soco berri, haddii Eebbe idmo)

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here