Cod Waxad Ku Waydo Musharax Colaad Laguma Heli Karo, !!???

0
1407
Mawliid Axmed jibriil

Codkii Hadaan Ku Siiyay, Caruurtayda Beerkoda Cunimaysid Musharax

Waxaan hambalyo U dirayaa shacbiga sland sidii quruxda badnayd ee ay U ololeyeen iyo sidii wanaagsanayd ee doorashada uga soo baxeen ee ay U codeyeen ee Nidaamka doorashada U ilaaliyeen ee nabad galyada ku soo dhamaatay.

ilaahay ayaa mahadleh ina waafajiyay wanaaga iyo talada wanaagsan.Inta ka dib, shacabka sland dhamaantood waa guulaysday mar haday nabad ku dhamaatay doorashadii, waxa hadhay waa natiijada komishanku ku dhawaaqo oo dhamaanteen is garab taagno.

Musharaxiinta waxan ku gubabinayaa in kursigu mid yahay oo midka komishanku ku dhawaaqo ay U hambalyeyaan, iyagoo ixtiraamaya shacbigii milicda U taagnaa bisha ee taageeray ee U codeeyay,

Hadii musharaxu inta garan waayo oo qiimayn waayo dareenka shacabka, maaha mid abaal leh maaha mid dalka iyo dadka ilaalinaya ee waa nin kursiga in uu helo qiimaynaya, haduu waayayna aaminsan in doorashadii qiimaha leh ee aduunku qiray xumaynaya, maadaama xumaynayo danta guud ee wadanka, shacabka waxa ku waajiba in ay iska qabtaan inta aanu nabada dhaawicin.

Arinkiisu waa ( CADYAHAW KU CUNAY AMA KU CIIDEEYAY ).

SIdaa darted, Qof iyo Qabiil dantiisa waxa ka wayn oo ka qiimo badan Qaran oo aynu wada ilaashano, waa,ayo qabiil waxba Laguma noqan karo waxna layskaga calin karo ee Qaran ayaa wax lagu noqdaa waxna layskaga calin karaa, ee inta dadku ha fahmaan.

( balaayo inta ay ka maqan tahay qayrka ayay ku maqan tahay ).

Isku soo wada duuboo, musharaxa go,aanka komishanka qaadan waayaa waa cadawga sland iyo cidii ku taageertaaba.

Ma shacbigii U codeeyay ayaa doqana ma milicdii aynu U taagnayn ayaynu caruurteena aayahooda  colaad uga bedelnaa ? Waa Maya, oo ( CODKII HADAAN KU SIIYAY, CARUURTAYDA BEERKODA KUGU CASUUMI MAAYO ),

musharax go,aanka komishanka qaado hadad dalka iyo dadka rajo dambe ka qabto oo mar dambe in ay ku doortaan rabto, ha iga filan codkan ku siiyay hadad waxba ku wayday in colaad lagu helayso oo aan kugu taageero maadaama tacabkii horeba qasaare yahay.

gabogabo, Timacade, tixdiisii ayan kaga baxaya, Dadka la hadlayaan lahayn dux iyo iimaane, anon baa damqanayee dheguhu Uma daloolaan.

DARDAARAN GAARA :

Musharaxa doorashada ku guulaysda ee komishanku ku dhawaaqo, waxan Kula dardaarmayaa oo aan ku adkaynayaa in aanay damaashaadin, maadaama ay ku guulaysden doorashadii ha ku ixtiraamaan Taageerayasha laga guulaysday, si isku dhac U iman shacbiga walaalaha ah oo ay ku Kala fogaadaan.

Musharax kasda tageerayashiisa sland hala hadlaan hana U sheegaan in xaaraan yahay damashaadka iyo xafladuhu dadka Kala fogaynaya.

  ALAH MAHADLEH,

Qalinkii: Mawliid Ahmed Jibriil

E¬       xaqsheeg@hotmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here