Ciidanka Laanta Socdaalka Somaliland Oo Xalay Fuliyay Hawl Galo Lagu Baadhayo Dadka Hudheelada Hargeysa Seexda

0
1176

laanta socdaalkaHargeysa,(HargeisaPress) —Ciidanka Laanta Socdaalka Somaliland ayaa xalay baadhis ku sameeyay Hudheelada la seexdo ee magaalada Hargeysa. Hawl galkan oo ahaa mid kedis ah islamarkaana aan hore uga dhicin magaalada ayaa la sheegay in uu la xidhiidho arimo dhinaca amaanka ah iyo tuhuno laga qabo dadka Socotada ah.

Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland Col. Maxamed Cali Yuusuf (Ina Cambaro), ayaa  Wargeyska Jamhuuriya u xaqiijiyey in ciidankiisu u baxeen xalay fiidkii hawlgal lagu baadhayo dadka seexda hudheellada hurdada ee magaalada Hargeysa, balse taliyuhu wax tafaasiil ah kama bixin ujeeddada hawlgalladaas iyo sababaha keenay in xilli habeennimo ah la baadho hudheellada la seexdo.

Hawlgalkan oo bilaamay ilaa todobadii iyo badhkii fiidnimo ee xalay islamarkaana socday ilaa saqdii dhexe ayaa si adag loogu baadhay dadka socotada ah ee seexda Hudheelada, iyadoo qof kasta la waydiinayay aqoonsigiisa iyo sifaha sharciga ah ee uu dalka ku joogo. Ilaa hadda si cad looma oga natiijada ay ku dhammaadeen hawlgalladaas oo ah kuwii ugu horreeyey noocooda ee ciidammada socdaalku xilli habeennimo ah ka fuliyaan hudheellada la seexdo ee magaalooyinka Somaliland.

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here