Ciidamada Booliska Gabiley Oo Xidhay Madaxii Ololaha WADDANI Xamse Khayre

0
1428
madaxii ololaha heer qaran ee xisbiga WADDANI Md Xamse Khayre

Hargeysa, (HargeisaPress) —Wararka hadda naga soo gaadhaya magaalada Gabiley ee xarunta gobolka Gabiley ayaa sheegaya in ciidamada Booliska Gabiley ay xidheen madaxii ololaha heer qaran ee xisbiga WADDANI Md Xamse Khayre oo ku sugan magaalada Gabiley.

Ilaa hadda lama garanayo sababta loo xidhay sarkaalkan ka tirsan xisbiga WADDANI oo ahaa madaxii ololaha her qaran ee xisbiga WADDANI Xamse Khayre.

Xamse Khayre ayaa sida ay noo sheegeen masuuliyiin xisbiga ka tirsan waxa uu hawlo shaqo oo la xidhiidha xisbiga WADDANI u joogay magaalada Gabiley,waxaana ciidamadu ay goordhawayd u taxaabeen saldhiga Md Xamse khayre.

Guddiga komishanka Qaranka iyo laamaha amaanku midkoodna kama hadal xadhiga Xamse Khayre madaxii ololaha heer qaran ee xisbiga WADDANI.

HargeisaPress News Desk – Hargeysa

info@hargeisapress.com 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here