“Cali Ahmed Jaamac Jiingeli iyo Dawladii uu ka Tirsanaa ee Xasan Sheikh Maxamuud ee Hada Dhacday Iyaga ayaa Sabab u ahaa Fashilkii ku yimi dib u Dhaca Wadahadaladii Labada Dawladood ee Somaliland iyo Somalia” Agaasime Cumar Sayid

0
1457

Hargeysa,(HargeisaPress) — Agaasimaha Guud ee Wasaarada Duulsta Hawada iyo Gaadiidka Cirka Cumar c/laahi Aadan ayaa shirjaraaid oo uu xafiiskiisa ku qabtay, kaga jawaabay hadal dhawaan ka soo yeedhay Wasiirka Duulista Somaliya, sidoo kalena fariin ugu diray  Wadamada Geeska Africa ee IGAD, Beesha Caalamka, iyo shacabka Somaliya.

Waxaanuu Agaasime Cumar Sayid hadalkiisa ku bilaabay, sidan:- “Ugu horayn waxaan halkan ka cadaynayaa in Wasiirka duulista Somalia Cali Ahmed Jaamac Jiingeli iyo Dawladii uu ka tirsanaa ee  Xasan Sheikh Maxamuud ee hada dhacday inay sabab u ahaayeen fashilkii ku yimi dib u dhaca wada hadaladii labada Dawladood ee Somaliland iyo Somalia iyaga oo ka cago jiiday inay fuliyaan qodobkii ugu horeeyay uguna muhiimsanaa ee ahaa maamulida hawada dalkii laysku odhan jiray Somalia oo ay dunidu soo jeedisay in loo sameeyo guddi dhexdhexaada oo ka madax banaan arimaha siyaasada xaruntooda laga maamulayo ee laga hagayona laga dhigo Hargeisa arintaa runtii Dawladii Xasan Sheikh way ka maagtay oo go,aan saxa kamay qaadan  arintaasi waxay sabab u noqotay inay sii socon waayaan wadahadaladii labada Dawladood.

Agaasimihu isaga oo ka hadlaaya qiimayan ay ka samaysay Hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan Hawada ee ICAO halka ugu haboon ee hawada Somaliya iyo Somaliland laga maamuli karo, ayaa waxa uu yidhi:-“Sidaad ka war qabtaan qiimayntii ay samaysay hayada ICOA waxay ku baahisay oo ay ku cadaysay oo ay dunidana u dirtay in goobta ugu wanaagsan ee laga maamuli karo hawada hadii ay tahay xaga nabadgelyada iyo haday tahay xaga adeegyadaba inay tahay Hargeisa, sidoo kale waxaad ogaydeen wadahadalkii ugu danbeeyay ee Istanbul 3aad in Dawlada Somaliland ay soo dhigtay sedex qodob oo ku saabsan qaabkii loo wadaagi lahaa hawada iyada oo walalo la yahay loogana wada faa,iidaysan lahaa sedexdaa qodob hayada ICOA dhamaantood waxay tidhi waa qodobo macquula Dawlada Turkey –na way uga markhaati furtay qodobadaasi waxay ahaayeen, 1 in xarunta ugu wayn ee laga maamulayo hawada dalkii laysku odhan jiray Somalia Hargeisa laga dhigo isla markaana la sameeyo guddi farsamo oo wada jira oo ay labada Dawladoodba heshiis ku yihiin , 2 in la sameeyo labo xarumood oo ta wayni Hargeisa noqoto ta labaadna Muqdisho laga dhigo islamarkaana ay guddi farsamo ay maamulaan ,3 Somaliland waxay soo jeedisay in labada Dal hawadooda loo kala qaybiyo oo qolo walba cida ay la kaashanayso iyo sida ay u maamulanayso ay u maamusho.”

Agaasime Cumar waxa uu ku eedeyay Dawlada Somaliya in ay burburiyen oo ay curyaamiyen, xalkii ay Umada labada wadan ee Somaliya iyo Somaliland si madax banana ugu maamulan lahaayen Hawadooda, waxaanu yidhi:-“Waxaas oo wadahadal ah iyo qodobo waxay runtii ka socon waayeen Dawladii Xasan Sheikh waa ayaan daro Wasiir Jiingeli maanta yidhaahdo waxa nalagu wareejinayaa hawadii Dalkii Somalia laysku odhan jiray iyadoo bishii January ee aynu soo dhaafnay shirkii lagu qabtay Dalka hindiya shirkaas oo lagu soo jeediyay in hawada Dalkii laysku odhan jiray Somalia loo qaybiyo afar Dal India, Seychelles, Kenya iyo Ethiopia kadib markii ay wadahadaladii ay guulaysan waayeen anagu ka Somaliland ahaan dunidana waanu tusnay iyagana waanu u soo bandhignay inay naga dhab ahayd in hawadii labada Dawladood laga soo wareego laga faa,iidaysto lagana madaxbanaaneeyo siyaasada, laakiin nasiib daro waxay ka socon wayday Dawladaa Somalia.”

Agaasime Sayid Cumar waxa uu baaq u diray Beesha Caalamka iyo Wadamada Africa, waxaanuu yidhi:-“Waxaan halkan baaq uga dirayaa dhamaan Dalalka geeska Africa iyo urur goboleedka IGAD beesha caalamka labada Dawladood iyo dhamaan umada Somaliyeedba  waxaan u sheegayaa in qaabka keliya ee hawada Dalkii laysku odhan jiray Somalia lagu soo wareejin karaa ama lagu maamuli karaa ay tahay qaab Isfahan ah waa heshiis ay labada Dawladood ay gaadhaan ayaa lagu maamuli karaa oo lagu soo wareejin karaa suurogal dhinacna uma aha in iyada oo lays khilaafsan yahay in hawadii qolo lagu wareejiyaa waayo hawadu waa nabad buuxda waayo weli isku frequency  baynu nahay taawarka Hargeisa iyo ka Muqdisho isku frequency bay ka hadlaan hadii lays yidhaa qolo jujuubana waxa kasoo baxaysa rabshad inay hawadii rabash ka gasho.waxaan halkan uga baaqayaa sidoo kale Dawlada la doortay ee mudane Maxamed Cabdilaahi Farmaajo anaga oo u rajaynayna inuu ku guulaysto xilkaa iyo inuu umadaa dhibaataysan dhibka ka saaro waxaan u sheegaynaa inaanu qaadin talaabadii iyo wadadii ay martay Dawladii ka horaysay ee Xasan Sheikh  oo gacan bidixaysay oo aan run ka sheegin mawduuca iyo xaalada ay ku sugan tahay hawada Dalkii laysku odhan jiray Somalia waxaananu jecelahay in wadahadal kasta oo ay labada Dawladood galaan ay fure u noqoto in laga heshiiyo hawada taas oo sababi karta hadii laga heshiiyo isusoo dhawaansho sababi karta mustaqbalka in labada Dawladood wadahadalkooda ku guulaystaan fashilaad kasta iyo xasadkasta oo ku yimi in Hargeisa xarunta laga dhigo waxay sii fogaynaysaa isusoo dhawaanshaha labada umadood oo ka sugaya runtii wadahadalada labada Dawladood inay noqdaan qaar ay kasoo baxdo natiijo ay labada umadoodba raali ku yihiin waabilaahi tawfiiq”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here